Heshiis Cusub oo laga gaaray arrimaha Jubbooyinka

Waxaa saacadihi la soo dhafay  Deeganka Gobweyn ka socday Shir 3 gesood ah  kaas oo u dhexeyay Dowlada Somalia , IGAD iyo Isbahaysiga Nabada iyo Midnimada Gobolada Jubboyinke ee uu hormuudka u yahay Col Barre Adan Shire Hiiraale.

Heshiiskaan cusub  ayaa waxaa u awooda saarayaa wadasheyn dhexmari doonta Ciidamada Amisom  ee kala ah  Burundi iyo Siraaliyoon  iyo Ciidamada Isbahaysiga Nabada iyo Midnimada Gobolada Jubboyinka.

Sido kale Heshiiskaan ayaa waxaa u dhigaya in  Gawaarida dagaalka ee RW Abdiweli uu horay ugu soo dhibay Maaamulka Jubba qayb ahaan lagu soo wareejiyo Ciidamada Isbahaysiga Nabada iyo Midnimada Gobolada Jubboyinka.

Dhamman qodobadaasi iyo qodobo kale  way isku fahmeen  dhinacyadii maanta ku kulansanaa deegaanka Goobweyn ee Duleedka Kismaayo, waxaana  intii u shirka lagu go’amiyey in ciidamada  Isbahaysiga ay maalinta sabtida ah 10:oo galan magaalada Kismaayo, Waxaana arrintaasi keentay kadib markii shirkii maanta Goobweyn uu noqday mid aad la isugu daahay wadahadalka kadibna uu waqtigu noqday xilli maqrib ah oo aan ciidamada soo geli karin.

Heshiiskan ayaa waxaa Dowlada Somalia u saxiixay  Wasiirka Arimaha Gudaha Somalia,  Cabdilaahi Goodax Barre  dhanka IGAD waxaa uu saxiixay Ambasador Maxamed Cabdi Afey , halka Isbahaysiga uu u saxiixay  Wasiirki hore ee gaashandhiga Soomaaliya ahna guddoomiyaha Golaha Nabada iyo Midnimada Soomaaliya  Col Barre Adan Shire hiiraale.

Heshiskan cusub kadib  dhammaan wafdigii waxay kusoo noqdeen magaalada Kismaayo oo ay markii hore ka tageen. Waxaa la sugaana waa Col, Barre Hiiraale oo berri subax soo gala Kisma

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s