Buulamareer oo Gacanta Dowlada iyo Amisom Gashay

 

Ciidamada Midowga Africa oo ay weheliyaan kuwa dowladda Somalia ayaa maanta qabsaday degmada Buulo-Mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaddib markii saaka waabarigii ay qaadeen howlgal ciidan.

Cabdulqaadir Maxamed Nuur Siidii, guddoomiyaha gobollka Shabeellaha Hoose ayaa VOA u xaqiijiyay in ciidamadu ay qabsadeen Buulomareer, iyagoo iskacaabinna kala kulmay dagaalyahannada alShabab.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in ciidanku ay xalay saqdii dhexe qaadeen howlgal la magac baxay “Badweynta Hindiya” oo ka dhanka ah goobaha ururka al-Shabaab uu ka haysto gobolka Shabeellaha Hoose.

Cabdiqaadir wuxuu sheegay in ciidanku ay sidoo kale qabsadeen Goolweyn iyo tuullooyin kale, wuxuuna sheegay in maleeshiyada al-Shabab ay haatan ka cararayaan goobihii ay ku sugnaayeen.

Guddoomiyaha ayaa intaasi ku daray in ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladduba ay imika 5 KM dhaafeen Buulomareer, ayna ku sii socdaan dhinaca iyo magaalada Baraawe, oo ah saldhiga ugu weyn ee ururka al-Shabaab uu ku leeyahay koonfurta Soomaaliya.

Sida uu sheegay guddoomiyaha gobolka, 11 ka tirsan al-Shabaab ayaa ku dhintay dagaalka, iyadoo 2 ka tirsan ciidamada wadajirka ahna ay dhaawacyo soo gaareen

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s