Ciidamada dowlada iyo kuwa Amison oo dagaal balladhan ugu jihaystey Baraawe


 

 
 
  
Ciidamada dawladda iyo kuwa Midowga Afrika ee loo yaqaan AMISOM ayaa saaka weerarro ka bilaabay Gobollada Shabeellada Hoose iyo Shabeellada Dhexe.

Ciidamo aad u hubaysan oo ah kuwa AMISOM iyo kuwa dawladda Soomaaliya ee SNA ayaa saacadihii hore ee saaka qabsaday degaanka Golweyn, iyaga oo kusii jeeda magaalada Buulo Mareer.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Hoose Cabdulqaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa VOA u sheegay in laba weerar oo kedis ah ay aal-Shabab ku soo qaadeen saaka ciidamada balse laga itaal roonaaday dhinaca al-Shabab.

Dhinaca kalena wararka naga soo gaadhay Gobolka Shabeellada Dhexe ayaa iyaguna sheegaya in ciidamada dawladda ay weerareen degaanka Fiidow oo u dhexeeya degmada Mahaday iyo degmada Buula Barde.

Weerar kale oo ay qaadeen ciidamada AMISOM iyo kuwa dawladda ayaa isna ka dhacay degaanka Biyo Cadde ee isla gobolka Shabeellada Dhexe.

Hoos ka dhagayso waraysiga Guddoomiyaha Shabeellada Hoose

Guddoomiyaha Sh/Hoose
 
 
 
 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s