C/Qaadir Siidi’’Waxaa hada ii Muuqda Meydadka 11-katirsan Al-Shabaab, waxaan kusii soconaa Magaalada Baraawe’’

Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose C/Qaadir Maxamed Nuur(Siidii) ayaa ka warbixiyay Howlgal Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM saakay aroor hore ka bilaabeen Deegaano katirsan Gobolka Shabeelaha Hoose.

Mr Siidii ayaa sheegay in Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo iskaashanaya ay ku guuleesteen in ay si buuxda ula wareegaan Deegaanada Gola-weyn iyo Buulo-Mareer oo horey gacanta ugu jiray Dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab.

Gudoomiyaha Sh/Hoose ayaa xusay in xiligan uu joogo Magaalada Buulo Mareer oo Duhurkii maanta ay kala wareegeen Al-Shabaab , waxa uuna intaa raaciyay Gudoomiyaha in Ciidamada ay horey usii socon doonaan ayna ku wajahanyihiin Magaalada Baraawe oo ah xarunta ugu weyn ee Al-Shabaab maamulaan.

‘’Waxaa hada ii Muuqda Meydadka 11-katirsan Al-Shabaab oo ay ka carareen, anaga labo askari ayaa naga dhaawacantay, waxaana hada Joogaa Buulo Mareer waxaana noo qorsheesan in ay kasii gudubno halkaasi oon qabsano Magaalada Baraawe, waxaana kusii daba joognaa firxadka Shabaab’’ Ayuu yiri Gudoomiyaha Sh/Hoose.

C/Qaadir Siidii ayaa sheegay in qabashada Magaalada Baraawe ay ka sahlanaan doonto Buulo Mareer, waxa uu xusay Gudoomiyaha in Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM ay kusii wajahan yihiin Baraawe ayna ka weerarayaan dhoor jiho Magaaladaasi.

‘’ Ciidamada hada waxa ay u dhaqaaqeen qabsashada Magaalada Baraawe waxaana fileynaa in dhawaan halkaasi ka xureyno Shabaab, Baraawe wey ka sahlanaan doontaa qabsashadeeda Buulo Mareer maxaa yeelay Magaaladaasi malahan beero iyo wabiyo socodkeena hakin kara’’ ayuu Yiri Siidii.

Hadalka Gudoomiyaha Gobolka Sh/Hoose ayaa imaanaya xili maanta uu bilowday Howlgal Dowlada iyo AMISOM ugu magac dareen Badweynta Hindiya, waxaana Maanta Ciidamada huwanta u suurto gashay in Al-Shabaab ka saaraan Deegaano dhoor ah.

 

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s