Soo dhoweyn balladhan oo loo sameeyey Ciidamadii Col Hiraale oo soo Gaadhay Kismaayo

Magaalada Kismaayo  ayaa waxaa hada ka socda Dabal dagyo lagu soo dhaweynayo Ciidamada Isbahaysiga  oo daqiiq ka hor soo garay Xerada Ciidamada Cirka ee Magaalada Kismaayo.

Boqolal shacab ah ayaa waxaa ay hada tagan yihiin wadoyinka magaalada Kismaayo waxaayna  Gacmaha ku wataan Sawirada  Col Barre Hiiraale iyo Col Cabdi Cigaal.

Waxaayna ku dhawaqayaan  erayo lagu soo dhawaynayo Ciidamada Isbahaysiga ee Manta  ku soo labtay deegankii ay  sanad iyo bar ka hor ka tageen.

Dhanka kale  wadoyinka Magaalada ayaa waxaa lagu arkaya  Gawaari ay saran yihiin shacab u badan haween  kuwaas oo ku sii jeda Xerada Ciidamada Cirka ee ay saldhiga ka dhigteen  Ciidamadii Isbahaysiga.

Xerada Ciidamada Cirka waxaa hada ku sugan oo  wufuudi ka kala socotay Dowlada Somalia, IGAD iyo AMISOM waxaana  hada hadlaya Madaxda AMISOM .

Ciidamada Isbahaysiga ayaa waxaay  wixi manta  ka danbeya  ay si toos ah ula shaqyan doonan Ciidamada Amisom ee  Burundi iyo Siraliyoon  halka Ciidamda axmed madoobe ay la shaqayn doonan Ciidanka Kenya,

Sido kale waxaa jira qorshe lagu heshiiyay oo dhigaya in Amanka Magaalada lo xil saaro  min 150 askari oo labada dhinac ka socota.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s