Goodkii jilicowoo qiiqaya

Waxaa Wali Rasaas xoogan ay is dhaafsanayaan Ciidamada Nabada Sugida Qaranka iyo dagaalyahano hubeesan oo katirsan Xarakada Al-Shabaab ay ka dhaceyssa Gudaha Xabsiga Godka Jilacow oo hada ah xarunta ay ku hool gasho Hay’ada Nabad Sugida Gobolka Banaadir.

Qaraxyo xoogan ayaa laga maqlayaa gudaha Xarunta Hay’ada Nabad Sugida, waxaa qiiq iyo uuro ay kabaxaysa gudaha Godka Jilacow halkaas oo sidoo kale laga maqlayo rasaas xoogan ay is dhaafanayaan ciidamo katirsan Dowlada iyo kooxaha hubeesan.

Ciidamo katirsan Hay’ada Nabad Sugida gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaan Gaashaan ayaa gudaha u galay Xarunta Hay’ada Nabad Sugida iyagoo gudaha xaruntaasi kula dagaalamaya kooxaha hubeesan oon wali la heyn tiradooda rasmiga ah , waxaana lasoo sheegayaa in qaar kamid ah Kooxaha hubeesan ay ku dhax qarxayaan gudaha xaruntaasi.

Wariyaasha ayaa loo diiday in ay u dhawaadaan halka ay kutaalo Xarunta Hay’ada Nabad Sugida Gobolka Banaadir Ex-Godkii Jilacow, waaana wadooyinka gala xarunaasi xiray Ciidamada Dowlada gaar ahaan kuwa Hay’ada Nabad Sugida.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala Soco Wararkayaga Dambe Insha Allah





Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s