Yaa noqonaya Guddoomiyaha Lixaad ee Baarlamanka Puntland?.

Baarlamanka Dawladda Puntland ayaa isu diyaarinaya inay doortaan Guddoomiyaha Lixaad ee Golaha Wakiiladda Dawladda Puntland ka dib markii uu maanta Iscasilay Guddoomiyihii shanaad ee Golaha Shacabka Puntland.

Marka aynu dib u Milicsano Taariikhda Golaha Baarlamanka Puntland,waxaa sanadkii 1998-dii Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland loo doortay Yuusuf Xaaji Siciid ‘’Madaxey’’,kaasi oo jagada Guddoomiyaha hayay illaa sanadkii 2004,waqtigaas oo Golaha Wakiiladda Dawladda Puntland ay ku rideen Mooshin ay ka keeneen.

Yuusuf Xaaji Siciid Madaxey ayaa waxaa badalay sanadkii 2004 Cismaan Dalmar Yuusuf,kaasi oo xilka Guddoomiyaha hayay illaa sanadkii 2006,waxana Cismaan Dalmar Yuusuf uu xilkiisa ku waayay Mooshin ay ka keeneen Baarlamanka Puntland sanadkii 2006-dii.

Cismaan Dalmar Yuusuf ayaa waxaa badalay Axmed Cali Xaashi sanadkii 2006,kaasi oo xilka hayay sanadkii 2006 illaa 2008.

Axmed Cali Xaashi ayaa waxaa 2009 badalay Cabdirashiid Maxamed Xirsi oo xilka hayay sanadkii 2009 illaa 2013.

Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa waxaa badalay Siciid Xassan Shire oo la doortay sanadkii 2014,kaasi oo xilka hayay 2014 illaa 2015.

Siciid Xassan Shire wuxuu Iscasilay maanta Arbaca ah taariikhduna ay ku beegan tahay 28th/10/2015,ka dib markii ay Mooshin ka keeneen 42-xildhibaan.

Warsidaha Puntlandi ayaa ogaaday in Golaha Wakiiladda Puntland ay isu diyaarinayaan sidii ay u dooran lahaayeen Guddoomiyaha Lixaad ee Golaha Wakiiladda Puntland,waxaana Guddoomiyuhu uu kaso dhexbixi doona isla Golaha Wakiiladda Puntland.

Qaar ka mid ah Xildhibaanadii u tartamayay jagada Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland sanadkii 2014 ayaa isu soo taagi doona tartanka Guddoomiyaha Baarlamanka,kuwaas oo ka faa’iidaysan doona fursada ay mar kale u heleen tartanka jagada Afhayeenka Puntland.

Waqtiyadda soo socda ayaa Golaha Wakiiladda Puntland ay dooran doonaan Guddoomiyaha Lixaad ee Golaha Wakiiladda Puntland,kaasi oo badali doona Siciid Xassan Shire.

Hadalhaynta shacabka Puntland ayaa ah,yuu noqonaya Guddoomiyaha Lixaad ee Golaha Wakiiladda Puntland?????????.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s