Faarax C/qaadir oo loo rabo Madaxweynaha maamulka loo dhisi doono Hiiraan iyo shabeelaha dhexe

unnamed-5-3Wafdiga Madaxweyne Xasan Sheekh ee ku sugan Magaalada Baladweyne waxaa ka mid ah Xildhibaan Faarax C/qaadir oo lagu xanto inuu aad ugu dhow yahay Madaxweynaha.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya Madaxweyne Xasan la rabo Faarax C/qaadir inuu Madaxweyne ka noqdo Maamulka loo dhisi doono Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaba dhexe.

Wararku waxay tilmaamayaan in Faarax C/qaadir iyo Madaxweyaha ay kulamo gaar ah la qaateen Odoyaasha Hiiraan gaar ahaan kuwa Xawaadle si ay uga iibiyaan qorshaha uu madaxweynaha ku noqonayo inkastoo ay adag tahay inay dhamaan beelaha wada aqbalaan qorshahaasi .

Xildhibaan Faarax C/qaadir ayaa asal ahaan ka soo jeeda Gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha iyo Faarax waxaa la sheegay inay la tageen Hiiraan naqshad u diyaarsan oo ay ka mid tahay ugu yaraan in doorashada laga dhigo mid ay leeyihiin xildhibaanada.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s