Shariif Xassan oo dacwad ku saabsan Axmed Madoobe u gudbiyay dowlada Ethiopia, isla maanta ayaa loo yeerey Axmed madoobe

Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa u duulay magaalada Addis ababa ee xarunta dalka Ethiopia.

Dowlada Ethiopia ayaa u yeertay Madaxweyne Axmed Madoobe, waxaana la soo warinayaa in booqashadiisa Addis ababa ay ku qotonto dacwad uu ka gudbiyay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia Shariif Xassan Sheekh Aadan.

Axmed Madoobe ayaa waxaa u yeeray Ra’isul wasaaraha dalkaasi Helimaryam waxaana wax laga weydiin doonaa kaalinta maamulkiisa uu ku leeyahay dhismaha maamulka Bakool sare oo maalin ka hor lagu dhawaaqay.

Dowlada Ethiopia ayaa Axmed Madoobe wax ka weydiineysa maamulkaasi iyo ujeedka loo aasaasay, kadib markii Shariif Xassan uu Dowlada Ethiopia u sheegay in dhismaha maamulka Bakool uu horboodaayo Axmed Madoobe islamarkaana uu jeebkiisa ka bixiyay dhaqaalihii ku baxay dhismaha maamulkaasi.

Axmed Madoobe ayaa sidoo kale gaari doona magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya, waxa ayna ilo ku dhow dhow Madaxweynaha sheegayaan in booqashadiisa Kenya ay la xiriirto maamulka Bakool sare, sida aan xogtu ku heleyno.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s