Shariif Xasan oo laga cabsi qabo in uu Caqabad ku noqdo shirka Madasha wada tashiga ee Kismaayo.

SHARIIF

Maamulkii looga dhawaaqay degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool ayaa laga yaabaa inuu dhaliyo khilaaf hor leh oo ku aadan arrimaha federaalka iyo mushkiladiisa, kadib markii Maamulada Puntland iyo Jubbaland ay taageereen maamulka loogu magac daray Bakool sare ee lidiga ku ah maamulka koofur galbeed

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan laga yaabo inuu qaadaco ka qeyb galka shirka madasha wada tashiga ee 10-ka bisha Janaayo ee 2016 ka furmi doona magaalada Kismaayo.

Shirkan ayaa lagu soo bandhigi doonaa go’aanada shirarkii wada tashi ee ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo madaxda Soomaalida ay isla qaadan doonaan nooc doorasho oo dalka ka dhacda sanadka 2016.

Khilaafka Maamulka Koofur Galbeed oo dhinac ah, Puntland iyo Jubbaland ayaa la filayaa inay ka mid noqdaan waxyaabaha hareyn doona qabsoomida shirkaas, maadaama ay taageereen maamulka laga sameeyay Ceel Barde ee ka soo horjeeda Koofur Galbeed.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa u ambabaxay Addis Ababa, waxaana arrimaha loogaga yeeray ay qeyb ka tahay arrinta maamulka looga dhawaaqay Ceelbarde, waxaana suura gal ah in dowladda Itoobiya suura fara geliso arrimahan

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ee ka soo jeeda Koofur Galbeed ayaa sheegay in aysan suura gal aheyn inay tagaan Kismaayo, waxaana ay ku eedeeyeen Maamulada Puntland iyo Jubbaland inay geed fadhi u yihiin qaska ka socda Ceelbarde oo maamul loogu magac daray Bakool Sare looga dhawaaqay.

 

 

 

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s