Lix ruux oo ku geeriyootay qarax ismiidaamin ka dhacay Waqooyiga Gaalkacyo

Faah faahin ayaa ka soo baxaya qarax ismiidaamin ah geystay dhimasho iyo dhaawac oo saaka ka dhacday waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Ugu yaraan lix ruux ayaa qaraxa ku geeriyootay, halka tiro intaa ka badan ay ku dhaawacmeen, waxaana qaraxa uu ka dhacay Hotel lagu mafacaabo Uunlaaye.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in qof xirnaa walxaha qarxa uu isku qarxiyay meel ay dad fadhiyeen oo ku dhow hotelka.

Wararka ayaa sheegaya in dadka dhintay inuu jiray Wakiilkii Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee Gobolka Mudug Saciid Cali Yuusuf oo lagu naaneyso Saciid Gaade Yare.

Qaraxan ka dhacay waqooyiga Gaalkacyo ayaa ku soo beegmaya, iyadoo Puntland sheegtay inay sare u qaaday ammaanka magaalooyinka, kadib howl galadii ay ku soo afjartay dagaalyahanadii Al-Shabaab ee bartamihii bishan doonyo ku gaaray xeebaha Puntland.

La soco wixii warar ee ku soo kordha

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s