Madaxweynaha dawladda tamarta daran ee Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa la filayaa inuu soo gaadho magaalada Garowe ee Puntland, halkaas oo hadda laga dareemayo qaban qaabada soo dhawayntiisa

 

Madaxweynaha dawladda tamarta daran ee Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa la filayaa inuu soo gaadho magaalada Garowe ee Puntland, halkaas oo hadda laga dareemayo qaban qaabada soo dhawayntiisa

Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay inuu dhulka Puntlnd ku sugnaan doono afar maalmood, waxaana jira warar tilmaamaya suurtogalnimada inuu booqasho ku tago deegaano ka tirsan gobalka Sanaag ee Somaliland gaar ahaan Sanaag-bari. Wararka ayaa sheegaya inuu weftiga Farmaajo hordhac u ahaa wasiirkii qorshaynta Somaliya ee dhawaan socdaalka ku yimid gobalka Sanaag, kaas oo kulamo uu la yeeshay odayaasha iyo waxgaradka u sheegay in Mr. Farmaajo uu booqan doono jidka isku xidha Ceel-daahir ilaa Ceerigaabo oo uu  sheegay in dawladda Muqdisho ay lacag ku darayso dhismaha jidkaas.

Mr. Farmaajo ayaa wuxuu furi doonaa mashaariic ka hirgalay Puntland oo lala sugayay inuu isagu furo sida dib u dhis iyo casriyayn lagu sameeyay madaarka Garowe, waxaanu kulamo kala duwan la yeelan doonaa madaxda maamulka Puntland.

Dawladda Somaliland ayaa la eegi doonaa talaabada ay qaado haddii uu mr. farmaajo socdaal ku yimaado deegaano ka tirsan Somaliland, iyadoo xukuumadu socadalkii wasiirka qorshaynta ee Soomaaliya ku tilmaantay daandaansi.

Xigasho Geeska Afrika

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s