Wasiirka Dakadaha Somaliya oo sheegtay sharcigii DP World dalka looga mamnuucay inuu horyaalo saxiixo Madaxweynaha

Maryan Aweys Jaamac Wasiirka Dakadaha Xukuumadda Somaliya ayaa sheegtyay in sharciga dalka looga mamnuucay Shirkadda DP World uu horyaalo saxiixa Madaxweynaha Somaliya.

Waxa ay sheegtay xubnaha Baarlamaanada labada Aqal inay soo saxiixeen xeerkaan, sidoo kalena Xukuumadda uu soo dhaafay, laakiin uu dhiman yahay saxiixa Madaxweynaha oo kaliya.

“Tallaabada aan qaadnay shacabka Soomaaliyeed iyo Caalamkuba waa la socdaan, Raiisul Wasaarahuna si cad ayuu u soo bandhigay, balse haatan waxa la sugayo ayaa ah in howsha rasmiga ah ee dhinaca Baarlamaanka jirta markii ay soo gaba gaboowdo loo gudbiyo Madaxweynaha, kaddibna uu dhaqan geliyo go’aanka labada Aqal ee Baarlamaanka.”  ayey tiri Wasiir Maryan Aweys Jaamac.

Hadalka Wasiir Maryan ayaa imaanaya xilli maalmihii u danbeeyay Golaha Shacabka ay ku mashquuleen mooshin laga gudbiyay Guddoomiye Jawaari,taasi oo dib u dhigtay in Xeerka dalka looga mamnuucay shirkadda DP World loo gudbiyo madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo si uu u saxiixo.

“Xeerka Dhowridda Gobonimada iyo Midnimada Gayiga Soomaaliya” ee shirkadda DP World dalka looga mamnuucay ayaa horay waxaa u ansixiyay Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya Golaha Shacabka iyo Aqalka sare,waxaana hadda keliya u harsan in Golaha Shacabka u gudbiyo madaxweynaha

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

w

Connecting to %s