Warqad qoraal ah oo ka soo baxday Xafiiska Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka C/wali Muudey ayaa lagu sheegay in shaqo joojin lagu sameeyay Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka C/kariin Xaaji Cabdi Buux

Warqad qoraal ah oo ka soo baxday Xafiiska Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka C/wali Muudey ayaa lagu sheegay in shaqo joojin lagu sameeyay Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka C/kariin Xaaji Cabdi Buux.

Warqadan oo ku taariikheysneyd 2-da April oo maanta ku beegan ayaa waxaa lagu ogeysiiyay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Xafiiska Hanti dhowrka Guud, Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha, Guddiga Shaqaalaha Rayidka iyo Bankiga Dhexe.

Sidoo kale waxaa si KMG ah inuu shaqada u sii wado uu u magacaabay Xoghayaha Guud uu u faray Kuxigeenka Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Maxamed C/llaahi Cabdi Ciyow.

C/wali Muudey ayaa wali ku adkeysanaya inuu yahay Kusimaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Warqadan ayaa muujineysa sida aan wali xal looga gaarin khilaafka ka dhashay Mooshinka Guddoomiye Jawaari, waxaana C/wali Muudey uu wali soo saarayaa warqadaha muranka dhalinaya, iyadoo Guddoomiye kuxigeenka labaad Mahad Cawad uu isna horay u soo saaray warqado jawaab u ah.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

w

Connecting to %s