Xildhibaanaddii Barlamaanka oo safaf ugu jira Xarunta Barlamaanka

Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay saq dhexe waxa ay xireen wadooyinka waa weyn ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, maadaama maanta lagu balansan yahay kulanka Baarlamaanka oo xiisad siyaasadeed wata.

Ciidamo cusub oo laga soo bixiyay xerooyinkooda ayaa lagu soo daadiyay Isgoysyada Magaalada, kuwaasi oo wata Hubka culus, waxayna taagan yihiin Isgoysyada Magaalada, waxayna ku jira feejignaan dheeri ah.

Wadooyinka ugu badan ee xiran, ayaa ah kuwa ku xayndaaban xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo lagu arkaayo gaadiidka dagaalka dowladda.

Ciidanka ayaa adkeynaya ammaanka Magaalada gaar ahaan aagga Xarunta Golaha Shacabka.

Wadada ka timaado Isgoyska Hawlwadaag ee sida tooska ah u soo gasha Sayidka, ayaa waxaa la dhigay ciidan badan oo isugu jira, Boolis Nabad Suggid iyo Militari, sidoo kalena waxaa halkaasi lagu gooyay gaadiidka dagaalka ciidankaan ay wataan.
Waxaa xiran wadada ka timaada Caga dhiig oo gaadiid dagaal iyo ciidan badan la dhigay, sidoo kale waxaa xiran dhanka 15-May wadada ka timaado oo ciidamo markii horeba halkaasi ay ku sugnaayen, balse si wayn loo sii xoojiyay ciidankaasi.

Si la mid ah wadooyinka sida ay u xiran yihiin waxaa u xiran wadada ka timaado Daljirka Daahsoon, wadada ka

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s