Boqor Buur Madow…..Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, Waxaana uu sheegay inay gaadhay wakhtigii Booska Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye lagu Wareejin lahaa beeshiisa

Boqor Cismaan Aw-Maxamuud Buurmadaw oo ka mid ah Oday dhaqameedka soo Jeeda Deegaanada Gobolada Togdheer iyo Sanaag ayaa faeriin culus oo siyaasadeed ku ganay oday dhaqameedka iyo wax-garadka ka soo jeeda Beelaha uu ka soo jeedo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, Waxaana uu sheegay inay gaadhay wakhtigii Booska Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye lagu Wareejin lahaa beeshiisa isagoo Sidoo kalena carrabka ku adkeeyay boosas uu sheegay in laga qaaday beesha uu boqorka u yahay ee Bariga Magaalada Burco.
Boqor Cismaan Aw-Maxamuud Buurmadow ayaa sidan ka sheegay madal ay iskugu yimaadeen Oday dhaqameed ka soo jeeda Beesha uu ka dhashay Madaxweyne Muuse Biixi, waxaana uu sheegay inay Beeshiisa iyo Beesha Madaxweynuhu shuraako siyaasadeed ku jireen islamarkaana ay wax isku ogaayeen wakhtigii doorashada Madaxtooyada, islamarkaana ay gaadhay wakhtigii qaybo ka mid ah Wixii lagu ballamay la fulin lahaa. Waxa uu sidoo kale ku canaantay Beesha uu Madaxweynuhu ka dhashay inay jabiyeen heshiis dhinaca kuraasta ah oo madaxtooyada ah oo ka dhexeeyay, kuwaasi oo uu ku sheegay inay ka mid ahaayeen Booska Xoghayaha Madaxweynaha oo ay doorkan lahaayeen Beeshiisu sidii Xukuumaddii hore ee Kulmiye oo uu sheegay inay Xilka madaxweynahana ay Beeshiisu haysatay, Xoghayena uu u ahaa Beeshan Hadda xilka Madaxweynaha Qaadatay.
Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa“Jagooyinkii aynu qaybsan jirnay xoghayaha iyo madaxweynaha waynu kala lahaan jirnay, xoghayihiina xaggiinnuu soo maray,”.
Waxa kale oo uu yidhi: “Waynu is ogayn, dawladdii dhalatay waynu badsannay, Jagooyinka ayaanu qaybsan jirnay, madaxweynaha haddaynu helay waxay ahayd in aynu yaraysano inagu oo wixii cadhaysan bahasha aynu u qaybino haddii se laga hadhi waayo dawladnimadu Qarankay ka dhexaysaaye innagu xisbigaynu shuraako ku wada nahaye, dee haddii aanay ahayn rahii daynta qaatay ee yidhi ‘wixii miyir qababa la hadla’ markii roobku da’ay ee reerku xisbigii waa idinka sugayaa”.
Hadalkan ka soo yeedhay Boqor Buurmadow ayaa ku soo beegmaya wakhti si weyn loo hadal hayo in Khilaafka doonista Booska Guddoomiyenimada kulmiye Muuse Biixi Dabadii uu soo laba kacleeyay,Waxaana si gaar ah carrabka loogu badinayaa in Wasiirkii hore ee Wasaaradda Madaxtooyadda Xukuumaddii Siilaanyo Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi uu si weyn ugu ordayo hanashada Booskaasi, islamarkaana uu toddobaadkan dalka dib ugu soo laabtay kadib safar uu ugu maqnaa Dalka Ingiriiska tan iyo markii ay Xukuumaddii uu ka tirsanaa Xilka ka degtay,waxaana la sheegayaa shir duceedyo arrimahaasi lagu lafa gurayaa ay Hargeysa Iyo Burco ka socdaaan, kuwaasi oo ku saabsan Hanashada Booska Guddoomiyenimada Kulmiye Muuse Biixi dabadii.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

w

Connecting to %s