Guddiga Wadaxaajoodka Badbaado Oo La Kulmay Madaxweyne Farmaajo

Ilo ku dhow guddiga wadaxaajoodka Badbaado ayaa  sheegay in guddigu ay maanta la kulmeen madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka ah Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa guddigan ka socda Badbaado ka dhageystay sida ay tahay in loo xalliyo khilaafka u dhaxeeyay golaha shacabka iyo xukuumadda.

Guddigan oo 7 qof ayaa matalada guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Xildhibaannada ku bahoobey “Badbaado”.

Guddiga Badbaado ee Madaxweyne Farmaajo la kulmay waa:

  1. Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi
  2. Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene
  3. Xildhibaan Aamino Xasan
  4. Xildhibaan Xasan Yare
  5. Xildhibaan Cabdifitax Ismacil Dahir
  6. Xildhibaan Fowsiyo Maxamed Sheekh
  7. Xildhibaan Ceeymoow

Golaha shacabka ayaa u xiran khilaaf ka dhashay mooshin laga keenay guddoomiye Jawaari bartamihii bishii tagtay.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

w

Connecting to %s