Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Guddoomiyihii Baarlamaanka ee xilka iska casilay Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa goor dhow si wadajir ah shir jaraa’id ugu qabtay madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Guddoomiyihii Baarlamaanka ee xilka iska casilay Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa goor dhow si wadajir ah shir jaraa’id ugu qabtay madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Guddoomiye Jawaari oo hadalka ku horeeyay ayaa sheegay inuu xilka ka degi doono maalinta berri, si uu amaanada dib ugu celiyo baarlamaanka, isagoo xusay in sababta uu hada u soo muuqday ay tahay inuu si rasmi ah u caddeeyo is casilaadiisa.

Waxaa uu sheegay in wixii kaloo dheeraad ah uu maalinta berri ka hor-jeedin doono Baarlamaanka, isagoo u mahad celiyay shacabka Soomaaliyeed, kana raalli geliyay wixii jiray ee jahwareerka ahaa.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi farmaajo oo isna hadlay ayaa uga mahad celiyay go’aanka uu qaatay Jawaari, waxaana uu sheegay inuu yahay nin oday ah oo muddo 50 sano u soo shaqeeyay dalka.

“Go’aanka uu qaatay Guddoomiye Jawaari waa mid taariikhi ah, wax shuruud ahna kuma xirna”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo hadalkiisa uu ahaa mid koobnaa.

Waxaa uu sheegay in go’aanka uu qaatay yahay mid taariikhi ah, isla markaana uu ku dhiira gelinayay inuu sii wado dadaalada dowladnimada, qabyo tirka dastuurka, maadaama uu yahay khabiir dhanka sharciga ah, isla markaana ay ka filayaan talo bixinta iyo talo soo jeedintiisa.

La soco wixii warar iyo Faah faahin ku saabsan shirkan jaraa’id

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

w

Connecting to %s