New York Times “Heshiis ah in dowlad sal ballaaran la dhiso ayaa dhex maray Farmaajo iyo Jawaari

Wargeyska caanka ah ee New York Times oo wax ka qoray is casilaadii Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ku tilmaamay is casilaadiisa inay ku timid kadib markii ay ku  heshiiyeen in la dhiso dowlad sal ballaaran.

Sida ay u sheegeen wargeyska qaar ka mid ah dadka ku dhow dhow Jawaari kahor inta uusan is casilin in shuruudaas ay hordhigeen, hase yeeshee Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo markii ugu horeysay ka hadlay is casilaada ayaa sheegay inuusan jirin shuruud lagu xiray is casilaadi Guddoomiye Jawaari.

“Waxaa jirey khilaaf ka dhex jirey hay’adaha dowliga ah muddo ka badan shan sano soo jiitamayay, kaasoo salka ku haya arrimo ay ka mid yihiin isu dheelitirka awooda xukunka.”ayuu u sheegay wargeyska Michael Woldemariam oo ah kaaliye jaamacada Boston University.

Wargeyska ayaa sidoo kale qoray halka uu khilaaf u dhexeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo iyo guddoomiyihii iscasilay uu ka bilowday kadib markii bishii hore uu Baarlamaanku ansixiyay sharci ah in heshiisyada maalgelinta dibadeed  ay tahay in la soo marsiiyo baarlamaanka taasoo loo tarjumay in uu caqabad ku yahay  hay’adaha fulinta.

“Kulankii baarlamaanka Soomaaliya uu sharci darro kaga dhigey heshiiska dhex maray shirkada DP  World iyo maamulka la magac baxay Somaliland lagalama tashan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.”ayuu wargeysku sii raaciyay qoraalkiisa.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s