Maamulka Koonfur Galbeed ayaa lacag dhan shan iyo toban kun oo lacagta Mareykanka ($15,000) ku wareejiyay Sarkaal dhawaan ka soo goystay Ururka Al Shabaab,

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa lacag dhan shan iyo toban kun oo lacagta Mareykanka ($15,000) ku wareejiyay Sarkaal dhawaan ka soo goystay Ururka Al Shabaab, ka dib markii uu wada hadal la bilaabay Maamulka.

Sarkaalkan oo lagu magacaabo Maxamed Xasan Aadan (Sandheere) ayaa bishii January iska soo dhiibay Magaalada Baydhabo, sababo ku aadan markii uu garowsaday in Shabaabku baneysteen dhiigga umadda Soomaaliyeed.

Xaflad caawa lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Amniga Koonfur Galbeed ee Magaalada Baydhabo ayaa lacagtan lagu guddoonsiiyay Sarkaalka ka soo goystay Al Shabaab, waxaana ku wareejiyay Wasiirka Amniga, Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eelaay).

Maxamed Sandheere oo ka tirsanaa Saraakiisha Hoggaanka Gaadiidka ee Al Shabaab ayaa Maamulka Koonfur Galbeed isu soo dhiibay, xilli uu watay gaari nooca dagaalka, isla-markaana uu ku xiran yahay qoriga dhashiikaha.

Sandheere ayaa sheegay in muddo dheer uu ka tirsanaa Ururka Al Shabaab, markii ugu dambeysayna uu ka yimid dhinaca Gobolada Jubbooyinka.

Isagoo la hadlaayay Warbaahinta ayaa wuxuu sababta uu isu soo dhiibay ku sheegay, inuu arkay maleeshiyada Shabaabka uu xaqdaro ku leyneysa shacbiga Muslimiinta ee Soomaaliyeed.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s