MADAXWEYNUHU WAXA UU IGU YIDHI HA U MARREEXAANAYN WASIIRKA”…AGAASIMIHII IS CASILAY OO FAAHFAAHIYEY SIDA AY MADAXTOOYADA ISKU SEEGEEN

Agaasimihii guud ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland Md. Prof Cabdi Cali Jaamac ayaa faahfaahiyey halka sartu ka qudhuntay iyo sababta uu isku casilay isaga oo sheegay in uu ka xumaaday arrin dhex maray Madaxweynaha.
Cabdi Cali ayaa saaka qoraal kooban oo arrinkan la xidhiidha ku faahfaahiyey barta uu ku leeyahay Facebook-ga waxaanu yidhi:
“Faahfaahin Kooban: Iscasilaad.
Horta qofna Telefon kama qaban, Face-book messages-kana uma jawaabin cidna, suaasha ugu badanina waxay ahayd sababta aan isu casiley.
Waxan garawsaday in aad xaq u leedihiin in aan erayo kooban idinku sheego sababta aan xilka uga tegay, taasoo ah sidan soo socota:
Madaxweynaha ayaa telefoon igula soo hadlay sabtidii; wuxu igu yidhi hadal macnihiisu yahay(not literally) ha u mareexaanayn wasiirka!!! taas waynu isku dilaynaa!!! Markii aan ku idhi madaxweyne aan kuu imaaddo oo aan is difaacana wuxu yidhi laba cisho iga maqnaw, markaa shalay oo arbaca ah ayaan tegay. Waxana la ii sheegay in aanay ballani ii oolin.
Haddaba, shaqaalaha iyo dadka wasaaradduba way sheegi xaqiiqada jirta ee anigu ma garanayo meel qawl iyo ficil midna aan ugu mareexaaneeyay wasiirka, kumana jirto qiyamkayga, dadnimdayda iyo damiirkayga in aan ku dhaqmo sifooyin ceynkaas ah.
Haddaba haddii Madaxeynuhu aaminsan yahay in dhaqankaasi aanu fiicnayn; Haddii aniguna aanan ku sifoobin dhaqankaas oo la ii waayo qawl iyo ficil aan ku mareexaanaynayo; ninka ashkatooday oo wasiirka ahi haddii isna uu aaminsan yahay in dhaqankani xun yahay oo uu ka dhiidhiyay ,markaa su’aasha jawaabta u baahani waxa weeyaan: yaa run sheegaya oo neceb dhaqankan?!!!!!
Raali ahaada haddii sidii Trump aan Twitterka warka idiin soo mariyo!!!”

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

w

Connecting to %s