Emaaraadka Carabta oo deegaanada P/land kala baxday Wakiiladeeda & P/land oo ku biirtay..

Sidda ay inoo xaqiijiyeen qaar ka mid ah Shaqaalaha Garoonka Diyaaradaha Magaalada Boosaaso Hawlwadeeno, madax iyo saraakiil ciidan oo ka tirsan dowladda Imaaraadka Carabta ayaa maanta ka Ambabaxay  Boosaaso, waxaana la sheegay in ay dalkooda dib ugu laabteen.

Saraakiisha Maanta ka duushay garoonka Boosaaso ayaa la sheegay in ay aad u badnaayeen , islamarkaana loo fahmikaray horudhac guurid.

Waxaa la sheegay in ay ka shaqeyn jireen tababarka iyo taakulaynta ciidamada bilayska badda Punland ee PMPF (Puntland Maritime Police Force) ,islamarkaana ay mushaarkooda bixin jireen.

Waxaa sidoo kale ay qaateen qalab yaallay garoonka waxaana ay ka tageen agabkii ciidan ee ka yaallay Puntland.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Puntland oo ku aadan in maanta garoonka ay ka ambabaxeen Saraakiil u dhalatay Imaaraadka Carabta.

Waxaa sidoo kale jira in Muddo Saacado ah lagu xanibay Garoonka Magaalada Bosaaso diyaaraddii ay raaci rabeen ka dib markii ay baaris diideen.

Ciidamada Ammaanka ayaa Dhawaan gacanta ku dhigay lacag dhan 9.6 Milyan oo doolarka Mareykanka oo Imaaraadka ay wateen laguna qabtay Garoonka Aadan Cadde, inkastoo Imaaraadka ay sheegeen inay aheyd lacag loo waday Ciidamada Imaaraadka ay tababaraan.

Xiriirka Imaaraadka iyo dowladda Soomaaliya ayaa xumaaday wixii ka dambeeyay, markii Garoonka Aadan Cadde lagu qabtay lacagta Imaaraadka ay lahaayeen.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s