Dalka Qadar ayaa maanta oo talaado ah waxa uu maamulka gobolkan Banaadir ku wareejisay 30 ka mid ah gawaarida basaska waaweyn ah

Dalka Qadar ayaa maanta oo talaado ah waxa uu maamulka gobolkan Banaadir ku wareejisay 30 ka mid ah gawaarida basaska waaweyn ah, kuwaas oo dhowr maalin ka hor laga soo dejiyey dekada magalada Muqdisho.

Gawaaridaan basaska ah ayaa waxaa loogu talo galay in maamulka gobolka Banadir uu ugu adeego shacabka degan 17-ka degmo ee gobolkan Banaadir uu ka kooban yahay, sida ay sheegeen masuuliyiinta maamulkaee maanta basaskaasi la wareegay.

Safaarada dowladda Qadar ay ku leedahay magaalada Muqdisho ayaa wareejisay basaskan taas oo uu munaasabadeedu ka dhacday isla dekedda Muqdisho.

Basaskan ayaa inta dowladda hoose ee Xamar ka qaadatay marka laga reebo inta kale waxaa la filayaa in lagu wareejiyo maamul goboleedyada dalka ka jira.

Wasiirka ku xigeenka wasaaradda dekadaha iyo gaadiidka badda Soomaaliya Cusmaan Maxamed Cabdi (Daalo) ayaa ka hadlay goobta , waxaana uu uga mahadceliyay dowladda Qadar taageerada ay mar walba la garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s