Danjiraha UK oo Caddeeyey inuu Safiir u Wada Yahay Dalalka Somaliland iyo Soomaaliya+ sharraxaadda qoddobo ay ka wada hadleen Madaxweynaha Somaliland

Danjiraha  dawladda UK u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya   David Concar, oo booqasho ku yimid dalka ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay  socdaalkiisa Somaliland, Waxaanu xusay  in madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ay ka wada hadleen  iskaashiga Somaliland iyo Ingiriiska. Siday werisay wakaallada wararka Somaliland ee SOLNA, Waxa Safiirka Ingiriiska u fadhiya  Somaliland iyo Soomaaliya, David Concar, uu twitter-kiisa  ku sheegay inay Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ay ka wada hadleen  shaqo abuurka, siyaasadda  mandaqada Geeska Afrika,  qorsheyaasha u diyaar garowga doorashada baarlamaanka iyo horumarka laga sameeyey mamnuucida gudniinka fircooniga ah (FGM)ka. Geesta kalena danjire David Concar  oo dhawaan  jaaliyadda Somaliland kulan kula yeeshay magaalada London, ayaa la weydiiyey inuu sharaxaad ka bixiyo inuu  Safiir u wada yahay Somaliland iyo Soomaaliya iyo in kale, waxaanu daboolka ka qaaday   inuu safiir u wada yahay  dalalka Somaliland iyo Soomaaliya labadaba. Waxa kaloo uu intaas ku daray inkastoo fadhigiisu yahay Muqdisho haddana Somaliland tahay dal labaad  oo uu safiir  u yahay. Waxaanu safiirka ingiriisku tilmaamay inuu booqashooyin ku yimaado Somaliland oo  uu la socdo xaaladda Somaliland.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s