Soomalia Muqdisho oo kaliya ma ahan Muqdishona Somalia oo dhan maha

Madaxweynaha  Puntland Cabdi wali gaas markii dhawaan looga yeeray Imaaraat-ka waxaan sii sheegay in danta kaliya ee halkaa Imaaraat-ka ay ugu yeereen gaas in ay aheyd in ay ka horkeenan dowladda federaalka soomalia maadama ay Imaaraat ku fashilmeen hagar daamadeen ay la damacsanaayeen dowladda soomalia iyo madaxdeeda.

Imaaraat wuxuu si deg deg ah ugu yeeray hogaamiyahooda u fadhiya Puntland Ninka lagu magacaabo cabdi wali gaas waxaana loo meeriyay in uu ka hor yimaado dowladda farmaajo .

Gaas waxaa la geeyay hotel waxaana loogu yeeray warbaahinta isagoona halkaa ka sheegay in dowladda soomalia ay muqdisho bes ka taliso oo Puntland aysan ka talinin wuxuuna sheegay in soomalia aysan aheyn muqdisho bes muqdishana aysan aheyn soomalia taasi oo la macno ah in Gaas uu si cad u fuliyay qorshahii loogu yeeray Abu dhabi.

Hogaamiye gaas wuxuu sheegay in Puntland ay xaq u leedahay in ay heshiisyo la gasho dowladdo shisheeye iyo shirkaddo iyadoo aysan ka fasax qaadaneyn dowladda federaalka soomalia oo mas’uulka ka ah guud ahaan dalka soomalia.

Cabdi wali gaas oo waqtigiisa uu sii dhamaanaayo ayaa waxa uu doonaya in uu iska horkeeno maamulka puntland iyo dowladda dhexe ka hor inta uusan kursiga baneenin isagoona sii shaqeysan doona qarashaadka uu ka qaadanaayo Imaaraat-ka oo uu ku mucaaradaayo dowladda federaalka Soomalia.

Qorshaha xiga ee Imaaraat-ka uu wato waxa ay tahay in uu si lamid ah gaas ugu yeero hogaamiyeyaasha jubbaland iyo koonfur galbeed una sheego in ay mucaaradaan dowladda farmaajo ayna sheegeen in dowladda ay kalaiya ka taliso xamar oo aysan wax shaqo ah ku laheyn maamul goboleed ku sheega danaha shisheeye u adeega.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

w

Connecting to %s