Majaladda caanka ah ee ‘The Economist’ oo ka soo baxda dalka Ingiriiska ayaa 14kii bishan aynu ku jirno daabacday warbixin dheer oo ay kaga hadlayso heshiiska DP World ee dekedda Berbera,

Majaladda caanka ah ee ‘The Economist’ oo ka soo baxda dalka Ingiriiska ayaa 14kii bishan aynu ku jirno daabacday warbixin dheer oo ay kaga hadlayso heshiiska DP World ee dekedda Berbera, saamaynta uu ku yeeshay siyaasadaha Soomaaliya, rajada sida ay dekedda Berbera u ekaan karto toban sano kaddib iyo aragtida Somaliland ee ku aaddan heshiiskan iyo cadhada dawladda Muqdisho ka qaadday heshiiska.

Berbera oo uu heerkulkeedu illaa 50 Digrii gaadho, waa qaddiimi weli laga helayo dhismayaasha guunka ah ee guryihii ay qarnigii 19-naad dhisteen ganacsatadii Cusmaaniyiintu. Laakiin dhinac kasta oo magaalada ka mid ah waxaa laga dhisay guryo iyo dhismayaal cusub. Ayaa lagu sheegay warbixintan ku soo baxday, bogaggeeda ka faallooda, ‘Bariga dhexe iyo Afrika’.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in dekeddani ay ahaan jirtay mid dhaqdhaqaaqeedu aad u yar yahay, laakiin ay imika ku sii socoto in ay noqoto deked mashquul badan. “Dekedda qaddiimiga ah ee magaalada Berbera Somaliland, waxa ay ahayd meel aad u deggen, oo heerkulkeeda xilliga xagaaga ee 50 ka digirii gaadhaa uu xitaa eyda naqaska ku dhejiyo, haddana dadka soo booqdaa ay xilligan arkayaan dhaqdhaqaaq iyo shaqo badan oo socota” ayaa lagu yidhi warbixinta ‘The Economist’ Iyada oo sii iftiiminaysa halka uu dhaqdhaqaaqaasi ka yimina waxa ay tidhi, “Dhaqdhaqaaqyadaas oo dhami waxa ay la xidhiidhaan deked cusub oo ay dhisayso shirkadda DP World, oo ah shirkad saamigeeda ugu badan ay leedahay xukuumadda Dubai ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabtu”

Warbixinta waxaa lagu sheegay in dekedda Berbera ay imika tahay deked yar oo inta badan loo isticmaalo keliya dhoofka xoolaha loo rarayo dawladaha Khaliijka, lagana soo dejiyo badeecadaha loo wado, Hargeysa. “Si kastaba ha ahaato ee Tobanka sano ee soo socda, maalgashiga shirkadda DP World dartii, laga yaabo in ay noqoto mid ka mid ah dekedaha ugu waaweyn Bariga Afrika.”

Warbixinta oo ka warramaysa saldhigga milateri ee ay dawladda Imaaraadku ka samaysanayso Berbera iyo maalgashiga ay ku samaynayso dekedda ayaa tidhi, “Dekedda Berbera iyo mashruuca labaad ee Imaaraadku hadda wado oo ah dhismaha saldhig milateri, waxa ay xusuus xoog badan u yihiin, sida lacagta Khaliijku ay u beddelayso gobalka Geeska Afrika” Waxa se ay warbixintu intaas ku dartay, in lacagtaasi ay sida oo kalana keeni karto khatar ah in uu sii kordho loolanka u dhexeeya xukuumadda taagta daran ee fadhigeedu Muqdisho yahay, duniduna aqoonsan tahay iyo Somaliland.

Mashruuca dekedda Berbera oo ay ku baxayso lacag ku dhow 450 milyan oo doolar, ayaa ah maalgashigii ugu weynaa ee ay Somaliland hesho, tan iyo markii lagu dhawaaqay gooni-isu-taaggeeda sannadkii 1991 kii.

Warbixinta ‘The Economist’ waxa ay sheegtay in shaqada ay DP World ka waddo dekedda Berbera ay dardar cusub gashay intii ka dambaysay khilaafkii bishii labaad ee sannadkan soo dhexgalay shirkadda DP World iyo dawladda Jabbuuti oo ay tan iyo sannadkii 2009 ku wada jireen heshiis ku aaddan dekedda Dooraaleh ee dalka Jabbuuti.

“Jabbuuti waxa hadda mara boqolkiiba 90 ganacsiga Itoobiya ee dhinaca badda, waxa aanay hoy u tahay saldhigyo ciidan oo ay leeyihiin, Faransiiska, Maraykanka iyo Shiinaha. Masuuliyiinta Somaliland waxa ay caadi ahaan ku rajo qabaan in ay wax uun ka soo leexsadaan dhaqdhaqaaqaas badan. Bishii Saddexaad ee sannadkan ayaa ay Itoobiya ku dhawaaqday in ay dekedda Berbera ka iibsatay saami dhan boqolkiiba 19”

Muqdisho iyo aragtideeda heshiiska dekedda

Warbixinta ‘The Economist’ waxa ay sheegtay in mashruuca DP World ee dekedda Berbera uu ka cadhaysiiyey, siyaasiyiinta Muqdisho, isaga oo ka warramaya sababta ay arrintaas uga biyo diiddan yihiinna waxa ay tidhi, “Waxa ay ka cabsi qabaan, in ay sii lumiyaan awooddooda dawladnimo ee marka horeba daciifka ah” Warbixintu waxa ay sheegtay in sababtaa awgeed ay dawladda Muqdisho weerar diblumaasiyadeed ku qaadday dawladda Isutagga Imaaraadka Carabta, waxaa ka mid ah, go’aankii uu baarlamanka Soomaaliya ku mamnuucayey in shirkadda DP World ka shaqayso Soomaaliya. “Laakiin waa amar aanay fulin karin” ayaa ay tidhi warbixintu.

Dawladda Soomaaliya oo dagaalkeeda sii waddaa, waxa ay bishan Abriil 18 keedii gegida diyaaradaha ee Muqdisho kula wareegtay lacag dhan 9.6 Milyan doolar oo ay sidday diyaarad Imaaraadka Carabtu leeyahay. Waxa kale oo warbixinta lagu sheegay go’aankii ay wasaaradda difaaca ee Soomaaliya ku joojisay, barnaamijkii tababarka ciidamada Soomaaliya ee uu Imaaraadku ka caawinayey.

Dhinaca kalana, Rashiid Cabdi oo ka tirsan hay’adda xasaradaha caalamiga ah ee ‘International Crisis Group’ oo fadhigeedu yahay magaalada Brussels ee dalka Beljamka ayaa isagu qaba in muranka la xidhiidha dekedda Berbera uu aad u sii kala fogeeyey labada dawladood ee Somaliland iyo Soomaaliya oo marka horeba kala fogaa. Waxa kale oo uu hoosta ka xariiqay dhibaatada uu dawladda Soomaaliya ku hayo ficilka ay ku kacayaan in badan oo ka mid ah siyaasiyiinta Muqdisho, kaas oo ah in ay lacago ka soo qaataan dawladda Qatar oo uu xifiltan ka dhexeeyo dawladda Imaaraadka Carabta, ama Turkiga oo ah dal kale oo isna xifilatan siyaasadeed ka dhexeeyo Imaaraadka, ahna maalgashada shisheeye ee ugu weyn Soomaaliya.

Aragtida Somaliland ee cadhada Muqdisho

Warbixinta ‘The Economist’ waxaa lagu sheegay in cadhada Muqdisho iyo go’aamadeeda la xidhiidha heshiiska DP World ee Berbera aanu wax warwar ah ku haynin Somaliland, “Dawladda Federaalku, xitaa 10 kiiloomitir oo Muqdisho ku yaalla ma maamusho” sidaa waxaa yidhi Liibaan Yuusuf Cismaan oo ah wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Somaliland, oo meesha ma saaray in Muqdisho ay heshiiskaas wax yeeli karto.

Jawaari iyo Farmaajo:

Warbixintu waxa ay ka warrantay dhibaatada siyaasadeed ee ay waajahayso dawladda Muqdisho, Waxa kale oo ay hoosta ka xariiqday sida uu heshiiskani colaadda u dhex dhigay Farmaajo iyo raysalwasaarihiisa oo isku dhinac ah iyo afhayeenkii hore ee golaha shacabka Soomaaliya, Mudane Jawaari. Waxaa xiise gaar ah leh sida ay masuuliyiintani isugu khilaafeen heshiiskan oo ay haddana labadooda dhinacba aanay heshiiska ka raalli ahayn, balse dagaalkii ay heshiiska la geli lahaayeen ay u adeegsadeen xisaabaad kale oo siyaasadeed oo iyaga u dhexeeyey, waxa ay warbixintu tidhi. “Runtii, dawladda Muqdisho waxa ay ku jirtaa fawdo. Waxa aana ka mid ah dhibta ay kala kulmayso siyaasiyiinta uu shisheeyuhu maalgelinayo.

9 kii Abriil, waxaa is casilay afhayeenkii golaha shacabka Maxamed Cusmaan Jawaari, kaddib markii uu ku guuldarraystay loollankii awood kala hororsiga ahaa ee u dhexeeyey raysalwasaare Xasan Cali Khayre, iyo madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo oo isku dhan ah.  Labada dhinacba waxa ay ka soo horjeedeen heshiiska dekedda Berbera, laakiin Jawaari waxa uu ka dhigtay fursad uu awoodda golaha shacabka gacanta ku wada dhigi karo, waxa aan heshiiska Berbera hordhigay in ay u codeeyaan goluhu, isaga oo aan la tashan madaxweyne Farmaajo”

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

w

Connecting to %s