Sanad Guuradii 16aad Ee Geeradii Madaxweyne Cigaal Oo Maanta Ku Beegan Iyo Xusuus-qorka Prof Gees

Akhri Qormo Uu Aqoonyahan Gees Kusoo Bandhigay Waxyaabihii Kala Fogeeyey Dawladaha Somaliland Iyo Djibouti

Hargeysa(Hubaal):-maanta oo  khamiis ah bishuna tahay 03/02/2018 waxay ku beegan tahay sanad guuradii 16aad ee ka soo wareegtay markii uu geeriyooday madaxweynihii 2aad ee somaliland Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal. Madaxweyne Cigaal ayaa shacabka somaliland si weyn ugu xusuustaan qaabkii uu dhidibada ugu taagay nidaamka dawladnimo ee somaliland, kaas oo ay ilaa wakhtigan ku naaloonayaan guud ahaan dadweynaha somaliland. Hadaba Prof Maxamed Siciid Gees oo ka soo mid noqday golihii wasiirada ee xukuumada madaxweyne Cigaal ayaa soo bandhigay sababihii keenay inay kala fogaadaan dawlada Djibouti iyo dawladii somaliland ee uu hogaaminayey madaxweyne Cigaal, waxaanu qoraal uu baahiyey sanadkii 2014 kaga sheekeeyey habkii uu xumaaday xidhiidhka labada dal, waxaanu qoraalka Prof Gees u dhignaa sidan:-

“Mudadaas aan joogay wasarada Qorshaynta waxaa ii suurta gashay in aan ka mid noqdo dhawr wefti oo uu Madaxweyne Cigaal hogaaminayey oo dalka dibada uga safray. Kii u horeeyey waxa uu aha 1998 oo ahaa shirka Madaxweynayaasha dalalka IGAD oo lagu qabanayey magaalda Jabuuti, shirkaasi waxa uu lahaa sheeko gaar ah waxaanu ka mid ahaa waxyaalihii kala fogeeyey xukumadaha Soomaaliland iyo Jabuuti ee waqtigii Madaxwyne Cigaal.

Mudane Maxmuud Saalax Nuur (Fagadhe) oo ahaa wasiirka arimaha dibada markaas ayaa socdaal uu ku tagay Jabuuti ka soo noqday waqtigaas oo uu xafiis ka soo furay magaalada Jabuuti loona magaabay Cumar dheere weliba xafiiska laga siiyey guryo ay dawladii hore ee Soomaaliya ku lahayd magaalada Jabuuti mid ka mid ah, waxaa uu Mudane Fagadhe ka sheegay shirkii golaha wasiiradda in Madaxweyne Cigaal lagu marti qaaday inuu khudbad war bixin ah oo ku saabsan arrimaqha wadankii laysku oran jiray Soomaaliya ka soo jeediyo shirka Madaxweynayaasha dalalka IGAD, arrintaas oo ay waqtigaas ka hadlayeen madaxweynayaasha halkaas isugu imanyey.

Madaxweynuhu arrinkaas aad ayuu ugu diyaar garoobay, markii ay soo dhawaatay mudadii shirka waxaa hore loo sii diray labada wasiir ee Arimaha dibada iyo Maaliyadda oo kal ahaa Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe) iyo Axmed Maxamuud (Siilaanyo) si ay weftiga madaxweynaha googol xaad ugu sii sameeyaan. Waxaan ka mid noqday weftigii madaxweynaha oo ahayd markii iigu horeysay oo aan Safar dibada ah u raaco waxaa kale oo waftigaa ka mid aha Yusuf Caynab Muuse oo ahaa wasiirka gaashandhiga, Cali Sh. Ibraahim Aareeye oo ahaa wasiirka Dalxiiska iyo dhaqanka, Ismaaciil Shaqale oo ahaa taliya ciidanka qaranka iyo xubno ka tirsan xoghaynta iyo ilaalada madaxtooyadda.

Waxaannu hargaysa ka duulnay 14 march 1998 diyaaradda aanu raacnay waxa lahaa shirkadda diyaaradaha e Airjabuuti, diyaaradaas oo aad si fiican loo soo agaasimay hoosteeda iyadoo lagu maamusayo madaxweynaha, waxaa kaloo maalintaas lagu soo daray diyaaradda laba gabdhood oo ah (air hostess) oo hablo quruxbadan ahaa dirayskii diyaaradahana sitay.

Kursi ku dhaw madaxweynaha ayaannu fadhiisanay aniga iyo Cali aareeye, cali waxa uu ahaa ardaygaygii kuliyaddi waxbarasha ee Lafoole wuxuuna aha anin bulshaawi ah oo kaftan badan oo ku hadla af soomaliga sooca gaar ahaan luqada Ciisaha oo madaxweyne Cigaal iyo golaha wasiiraduba aad u jeclaayeen kaftankiisa. Hablahii ayaa noo keenay sharaab Cali ayaa intuu xagii madaxweynaha u jeestay ayuu ku yidhi “madaxweyne hablahani waa Ciise” isagoo quruxda hablaha tilmaamaya, madaxweynihii intuu fahmay hadalkii cali ee tilmaamayey quruxda hablaha ayuu ku jawaabay “Caliyow waa dawladnimada oo uu ku sii daray waqti dhawayd oo aan tegay Nayroobi waxaan la yaabay hablihi Kenyaatiga ahaa quruxdoodi kuwaas oo Lixdameeyadii aan cidina eegi kari jirin foolxumadooda waxaa isbedelkaa u keenay dawladnimada”.

Waxaan ka degnay garoonka diyaaradaha ee Jabuuti cabaar ayaan diyaaradii ku dhex jirnay oo aan ciddi noo iman iyadoon cidina garoonka aanay nagu sugayn, nasiib wanaag waxay ahayd bilaha hawada Jabuuti qabowdahay haddi ay kul ahaan lahayd shuf baanu noqon lahayn .anagoo diyaaraddii dhex fadhina oo is eeg eegayna oo markaas sidii lagu yaqanay Cigaal markuu wax saluugo gacanta timaha dhex gelinaya oo fekeraya auaa waxaa noo yimi raxan baabuur ah oo diyaaradii soo hoos joogsaday waxaana ka soo degay Mudane Fagadhe iyo Mudane Siilanyo oo uu la socdo wasiirka Arimaha dibada Jabuuti Mudane Cali Cabdi sidaas ayaanu baabuurti ku raacnay oo aanu tagnay Hutel Shariton o ku yaal xeebta Jabuutioo lagu qabanayey shirka IGAD laguna dejiyey Madaxweynayaashi iyo waftigii shirkaa ka qayb galayey. Wax qolal ah oo loogu talagalay weftigayagu ma jirin, waxaanu ogaanay in Fagdhe iyo Siilaanyo aanay deganayn Shiriton ee ay degan yihiin hotelka mulac.

Cigaal iyo weftigi la socday waxaan fadhiisanayn kuraasta taalay soo dhawaynta Hutalka, mar danbe ayaa waxaa noo yimi nin carab u eg oo sita macawisaha ay ku caan yihiin Yamaniintu markaasu salaamay Cigaal kana cudurdaartay in aan waxba loo sheegin, ninkaa anigu ma garanayn laakin waxa lay sheegay inuu yahay Cabdiraxmaan Boorre oo markaa hutal Shariton wax kulehaa ama lahaaninkaas oo sheeko danbe dhexmari doonto isaga iyo cigaal. Laba qol oo aan fiicnayn ayaa dadkii ku jiray laga saaray oo qol la dejiyey Madaxweynihii kii kalena la wada dejiyey Xoghayntii madaxweynaha oo ahaa C/raxmaan Dalmar, ilaaladii oo ahaa Marxuun Cismaan Dhalac iyo afhayeenkii Cabdi Idiris weftiga intii kalena meel looma helin oo magaalda ayaam meel aan degno ka doonanay, galabtii ayaanu ku soo noqonay Shariton halkaas oonu ku qabsanay shirkooban oo Cigaal noo gudoominayey waxaannu ogaanay in sidii aannu ku soo talagalnay ama wax lanoogu sheegay aanay arrinku ahayn ee isbedel jiro.

Madxweyne cigaal waxaa uu gaadhay go’aan ah in Mudane Caynab iyo Mudane Ismaciil Shaqale beri aroor ay gaadhi raacan oo tagan Lowyacaddo dhinaca Soomaaliland halkaas oo ay ku sugayeen baabuurtoodi, aniga iyo Cali aareeyena aan beri ka soo wardoono Madaxweynaha, subaxdii ayey labadii mudane sidaas ku anbabaxeen dhinacii Soomaaliland, waxa xusid mudan in wasiirka gaashandhiga iyo taliya ciidanku u socdeen inay la galaan heshiis iskaashi xagga nabdgelyadda ah wasiirka gaashandhiga Jabuuti iyo Taliyaha ciidanka, waxaa jirtay waqtigaas ka hor inay dagaalo ka dhici jireen xadka u dhaxeeya labada dal haseyeeshe markii shirkaasi soo dhawaaday in xiisadii siyaasadeed degtay oo labada dal isu soo dhawaadeen, waxaa jirtay in markaa koox mucaarad ah oo hubaysan oo Ciise ah kuna kacsan dawladda Jabuuti inay deganaayeen dhinaca xadka Soomaaliland oo ay dagaalo ku qaadi jireen Jabuuti iyadoo cidamada Jabuutina ay xadka ka so gudbi jireen iyagoo raadsanay kooxdaas.

Markii shirka loo diyaar garoobayey ay dawlada Soomaaliland koxdaas kal dirtay oo qaar la xidhxidhay qaarna lagu amray inay ka guuraan xadka soomaaliland, maalmihii la kala diray kooxdaa ayaa waxa la soo xidhiidhay Cigaal niman madax u aha akooxdaa oo ku yidhi “war anagaa idiin dhaana qoladaa aad nooga hiilnaysane na daaya” sida waxa ku tiraabay madaxweyne cigaal markuu arkay sida loola dhaqmay weftigiisa.

Aroortii xigtay ayaannu shir ku qabsanay qolkii madaxweynaha waxxannu is waydiinay waxa arrinti aanu ku soo talagalnay bedelay iyo sida ay wax u dhaceen iyo sidiiaanu yeeli lahayn , labadii wasiir ee naga soo horeeyey waxay isku dayeen inay noo sharxaan sida ay balantii ku burtay waxayna noo sheegen in uu casumaadda madaxweyne Cigaal ay u fidisay Jabuuti uu joojiyey Madaxweyne Xasan Guuleed Abtidoon hawsha hore ee casumaadana uu lahaa mud Ismaciil Cumar Geelle oo markaa aan ahayn madaxweyne laakin nabadgelyadda dalka gacanta ku hayey sidaas ayey sheegeen inay arrintu u socon wayday, taasi wayna qancin wayday markii hadalkii Aniga igu soo wareegay ayan idhi arrinka meesha ka dhacay waxa masuul ka ah labadii wasiir ee inaga soo horeeyey sababtoo ah markay arkeen in balankii wax ka soo noqday oo is bedel yimi waxay ahayd inay la soo xidhiidhaan Madaxweynah oo jooga Hargaysa intaanu weftigu soo anbabixin, arrintaas oo lagag badbaadi laha ceebta iyo weji gabaxa ka dhacay meesha, taas oo sabab u noqotay xidhiidhkii xumaaday ee labada xakuumadood. Hadalkaygaas may jeclaysan saaxiibaday, waxaanse mar dance maqlay in madaxweyne Cigaal oo aananu aqoon badan isu lahayn waqtigaas uu aad ugu bogay hadalkayga cad, xogtaa waxa mardanbe i siiyey Jaamac Saalax Maxamed oo waqtigaa ahaa wasiirka madaxtooyadda oo aannu mudo badan isnaqaanay ilaa waqtigii caruurnimadda, waxaa uu igu yidhi isagoo ila kaftamaya Geesow awadaa ayaa Cigaal igu siiyey lacag dhan 2000$(laba kun oo doolar) markii aan waydiiyey sababtana waxa uu igu yidhi waqti aad ku maqnayd Egland oo aad ku raagtay mudo 4 bilood ah ayaa Cigaal oo doonaya inuu xilka kaa qaado u soo galay subax, isagoo ogaa inaynu aqoon isu leenahay ayuu igu yidhi ninkii saaxiibka Gees waa goostay oo xilkii ayaan ka wareejinayaa.

Markaas ayaan ku idhi aniguu ila soo hadlay oo waa soo socdaa waanna kii fasaxa ina soo waydiistay oo aynu siinay waxaanna kula taliyey cid kuu dhaanta heli maysid ee hayso., sidaasna wuu iga aqbalay, hadda markaad ka soo noqoteen socdaalkii Jabuuti ayuu iigu mahad naqay taladaydii oo igu yidhi”marbaan nin wayn iga tegi lahaa” sidaas ayu lacagtana abaal gud iigu siiyey.

Dhawr maalmood o danbe ayaan sii joognay Jabuuti markii shirkii IGAD dhamaaday iyadoo ay Cigaal u suura gashay inuu gooni gooni ula kulmo qaar ka mid ah Madaxweynayaashi shirka ka soo qatbgalay, markii weftigii shirka ka qayb galayey ay dhoofeen ayaannu u soo wada guurnay Hutelki Shariton.

Waxaa madaxweyne Cigaal tell u soo diray madaxweyne Xasan Guuleed si ay u dhacdayba Cigaal telifoonki ayuu qaban waayey, markaas ayuu Xasan u maleeyey in weftigii Cigaal dhoofeen oo hutelka ka baxeen, waxa uu si deg deg ah u soo diray koox wasiiradiisa ka mid ah oo ku yidhi gaadha intaanay dhoofin oo iigu keena madaxtooyadda, sidaas ayaa anagoo joogna hutelkii lanoogu yimi oo lanagu geeyey Qasriga madaxtooyadda Jabuuti halkaas ayaannu kula kulanay Mudane Xasan Guuleed anagoo dhan, markii soo dhawayntii iyo salantii dhamatay ayaannu waxaannu u banaynay si ay labada madaxweyne gooni ugu sheekaystaan, waxaa lanna fadhiisiyey qolkale oo ka tirsan qasriga madaxtooyadda halkaas oo aannu ku sugaynay intay wada hadlayeen waxaa nala joogay Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo hadda ah madaxweynaha Jabuuti ninkaas oo waqti hore oo aan joogay Jabuuti xilka wasiirnimo ka hor aan aad u maqli jiray hadal hayntiisa isagoo ku caan ahaa ururinta dhaqanka soomaaliyeed, halabuurka, dadka waxka qora dhaqanka iyo suugaanta soomaaliyeed, lana hadalhayn jiray inuu bedeli doono Xasan Guuleed xilka madaxtinimadda dalka.

Markaas oo aragti ahaan iigu horaysay aad ayaan ugu fiirsaday oo aan isha u geliyey waxaan arkay inuu yahay nin gadahayga ah si caadi ah u labisan sigoo sitay isku jog safari ah garkana aan aad u xiirin waxaa markiiba ku soo jiidanayey madaxiisa weyn oo timo weyn lahaa oo aan aad u feedhnayn, indhahiisa waaweyn, nin aad wax u dhagaysanaya oo feejigan, isku kalsooni weynina kaq muuqato, isagoo nala fadhiya ayaa waxa isasoo dultaagay nin dhalinyaro ah oo sita suudh iyo tay, Ismaciil inta uu uga kacay kursigiisi ayuu kursi kale soo qaatay, waxaan la yaabay ninka uu Ismaciil sidaa u ixtiramay ninka u yahay, waxaan ogaaday mardanbe inuu ka mid aha shaqaalaha madaxtooyadda, waqti danbe oo ay ka soo wareegtay 4 sano ayan la kulmay mar danbe Ismaciil isagoo ah Madaxweynaha Jabuuti waqtigaas oo gurigiisa nagu marti qaaday qado iyo barje ayey ii muuqatay fiicnaantiisa iyo caqli badnaantiisa waxa uu ku hadla 7 luqadood oo kala ah Somali, Carabi, Faransiis, Ingiriisi, Canfar, Amxaari iyo Oramo,.

Nin siyaasi ah ayaa waxa uu ku tilmaamay inuu yahay Madaxweynaha ugu caqliga badan uguna xariifsan madaxda Geeska Afruka.waxaannu dib ugu soo noqonay magaallada Hargaysa 19 march 1998 anagoo shan maalmood Jabuuti joognay waxaa uu noo sheegay Cigaal in Xasan Guuleed markii ay wada hadleen uu ka balan qaaday in uu mudo dhaw ku casumi doono tuuladda u ku raaxaysto ee Carta, ayaan darro dib isumay arag intii u xilka madaxweynaha si hayey Xasan. Markii weftigu hargaysa ku soo noqday waxa u Cigaal kala hadlay dadweynaha reer Hargaysa khayriyadda halkas oo ilaa 1958 dadka kal hadli jiray siduu noo sheegay, waxa uu ka hadlay wixii naga qabsaday Jabuuti iyo shirkii IGAD, waxaa uu ku qaadqaaday oo u ku talax tegay madaxda IGAD isagoo mid mid u soo qaaday, waxaannu ku dooday inay nimankaas intooda badani yihiin dhalinyaro aan waxba kal socon arimaha Soomaalida iyaguna aan dhexdooda isku fiicnayn, dadkii arrinkaa wax ka garanayeyna albabadda laga xidhay khudbad dheer ayuu halka la maray isagoon madaxdii IGAD aan kal reebin.”

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s