Immisa Shati oo Been Abuur ah Ayey Bixiyeen Xubnihii Madaxweyne Gaas Xilka Ka Qaaday

Dhowaan madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxa uu xilka ka xayuubiyey wasiir ku-xigeenkii, agaasimayaal iyo fidiyayaal katirsanaa wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badda ee dowladda Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa wareegtadiisa waxa uu ku caddeeyey in masuuliyiintaasi ay galeen musuq maasuq, inkastoo aan si rasmi ah loo soo bandhigin haseyeeshee waxaa intii markaasi ka dambeeyey siyaabo kala duwan uga hadlay qaybaha kala duwan ee bulshada Puntland.

Qaar kamid ah masuuliyiintii xilka laga qaaday ayaa beeniyey eedaymaha loo jeediyey halka kuwa kalena ay qirteen sheegeena inay galeen musuq maasuq sababay inay xilkooda waayaan iyagoona cafis ka dalbaday madaxweyne Gaas.

Fidiye katirsan wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khasaaaradka badda Puntland oo lagu magacaabo Cabdisalaan Maxamuud oo shir jiraa’iid ku qabtay Boosaaso ,isla markaana ah Fiidiyaha degmadda Xumbeys ee gobalka Bari ayaa sheegay in arrinta Musuq-masuqa uu yahay mid jirra oo ay sameyeen ,isago cafis ka dalbadday Madaxda Puntland iyo shacabka.

Masuulkaan ayaa fashiyey sirta ugu weyn ee keentay in xilka laga xayuubiyo madaxdii wasaaradda ugu saraysay kadib markii uu bixiyey sirta dhabta ah ee ku aadan musuq maasuqa ugu weyn ee laga galay dalka gaar ahaan wasaaradda Kalluumaysiga iyo khayraadka badda.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s