Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaalida Danjire Micheal Keating ayaa u kala dab qaadaya madaxweynayaasha Somaliland iyo maamul goboleedka Puntland,

Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaalida Danjire Micheal Keating ayaa u kala dab qaadaya madaxweynayaasha Somaliland iyo maamul goboleedka Puntland, si loo dejiyo xiisadda ka taagan deegaanka Tukaraq ee gobalka Somaliland ee Sool.

Danjire Keating ayaa shalay soo gaadhay magaalada Garowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland, waxaanu kulan la yeeshay madaxweynaha maamulkaas Dr. Cabdiweli Cali Gaas. Danjire Keating, wuxuu saxaafadda u sheegay inuu Mr. Gaas kala hadlay xiisadda ka taagan Tukaraq iyo sidii loo dejin lahaa.

Wuxuu ergaygani saxaafadda ugu sheegay magaalada Garowe inuu ka walaacsanyahay xiisada Tukaraq, “Warwar ayaan ka qaba xiisadda Somaliland iyo Puntland ee Tukaraq, waanan ka wada xaajoonay, waxaanu waliba ka wada hadalnay xasilloonida guud gaar ahaana Puntland,” ayuu yidhi danjire Keating.

Danjire Keating, ayaa la filayaa inuu maanta soo gaadho caasimadda Somaliland ee Hargeysa si uu kulan ula yeesho Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Sida ay sheegeen warar uu Geeska Afrika helay ergayga Qaramada Midoobay ayaa qodobada uu Madaxweyne Biixi kala hadli doono waxa ka mid ah xiisadda u dhaxaysa Somaliland iyo Puntland ee Tukaraq.

Maleeshiyaadka Puntland ayaa maalmihii u dambeeyay weeraro aan cuslayn oo tuur-tuuris ah waxa ay ku hayeen ciidanka qaranka Somaliland ee Tukaraq, kuwaas oo iyaguna ku riday hub kala didiyay.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s