Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa la filayaa in uu maanta u safro dalka Qadar.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa la filayaa in uu maanta u safro dalka Qadar.

Wafddi uu hoggaaminayo Madaxweynaha ayaa waxaa ay booqasho ku tagayaan dalka Qadar,waxaana lagu wadaa in ay la kulmaan madaxda ugu sarreysa dalkaas.

Dowladda Qadar waxaa ay ballan qaadday dib u dhiska Waddooyinka qaar ee Soomaaliya iyo Mashaariic muhiim ah oo ay ballan qaadday in ay ka fulineyso Soomaaliya.

Ra’isalwasaaraha Soomaaliya oo Bishii la soo dhaafay Khudbad jeedinayay ayaa sheegay in dhismaha Waddooyinka Muqdisho ku xira Jowhar iyo Afgooye ay billaabayaan Bishan May.

Waxaa uu sheegay in sahan lagu sameeyay waddooyinka islamarkaana mashruuca dhismaha Waddooyinkaas ay dowladda Qadar billaabeyso bishan.

Waddooyinka Caasimadda Qadar ee Dooxa ayaa la suray Calamada Soomaaliya iyo Qadar iyada oo afdi horudhac ah oo ka socday Dowladda Soomaaliyana uu ku sugan yahay Magaalada Dooxa.

Dowladda Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in ay la safatay dhinaca dalka Qadar markii ay qaadatay go’aan dhex dhexaadnimo ah.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s