Dagaal ka qarxay deegaanka Tuka –Raq ee gobolka Sool iyo Xabadii oo socota

Wararka naga soo gaadhaya deegaanka Tukaraq ee gobollka Sool ayaa tibaxaya in dagaal culus oo laysku adeegsanayo hubka fudud iyo madaafiicba si toos ah uga qarxay deegaano ay maalmihii la soo dhaafay isku hor fadhiyeen ciidamada Somaliland, & Kuwa Maamulka Puntland,waxaana hadda aad loo maqlayaa deryanka Madaafiicda Culculus.

Taliyaha Ciidanka Milateriga Somaliland Gen.Nuux Taani ayaa xaqiijiyey in dagaal lagu soo qaaday ciidamadiisa aroornimadii hore ee saaka ilaa haddana uu socdo.

Taliyaha ayaa intaas ku daray in duulaanka ama dagaalka ay ku soo qaadey Puntland oo uu ku eedeeyey in ay maalmihii ugu dambeeyey waday abaabul ciidan, wuxuuna ka gaabsaday inuu bixiyo faahfaahin dheeraada oo ku saabsan xaalada iyo khasaaraha.

Nuux Taani oo la hadlayey daqiiqadihii ugu dambeeyey ee Idaacada BBC-da ayaa sheegay in ay Somaliland iska difaacayso weerarka uu sheegay in uu kaga yimi dhanka Puntland.

 

Saraakiisha ciidamada Puntland ayaa iyaguna dhankooda ka gaabsaday dagaalkan socda, waxayse xaqiijiyeen jiritaanka dagaalkan oo goor hore oo saaka ahayd qarxay

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

w

Connecting to %s