Wasiir Cawad ayaa xaqiijiyay in uusan jirin wada hadal rasmi ah oo Kenya iyo Soomaaliya ay ka yeesheen oo ah wado aan aheyn Maxkamadda Hague

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in uusan jirin wada xaajood ay dowladda Soomaaliya kala yeelatay Kenya ee ku saabsan arrinta Dacwada Badda oo horay u taallay Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ.

Wasiir Cawad ayaa xaqiijiyay in uusan jirin wada hadal rasmi ah oo Kenya iyo Soomaaliya ay ka yeesheen oo ah wado aan aheyn Maxkamadda Hague in lagu xaliyo muranka xuduuda Badda ee labada dal ka dhaxeeya.

“Kiiska dacwadda Badda ee inaga dhexeeya Kenya, waxaa uu inoo joogaa
maxkamadda caalamiga ah ee Hegue, waxaan idiin xaqiijinayaa inaanu
jirin wax intaas ka baddalan oo Kenya na dhex maray, inagoo ixtiraamayna darisnimada naga dhaxaysa” ayuu yiri Wasiir Cawad.

Hadalka wasiirka Arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa jawaab u ah wasiirka arrimaha dibadda Kenya Monica Juma, oo dhowaan sheegtay inay jiraan wadahal ay madaxda Soomaaliya kala yeesheen arrimaha muranka Badda.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s