Dowladda UAE oo u soo dirtay Somaliland Dayaaradaha qumatiga u kaca ee Shinnook si ay uga qayb qaataan ,,,,,

Imaaraadka Carabta ayaa maanta diyaaradoo gargaar sida u diray Somaliland, si loogu caawiyo dadka ay saameysay duufaantii roobabka watay ee ku dhiftay deegaanada Somaliland.

Labo diyaaradood oo ah kuwa qumaatiga u kaca ayaa maanta duhurkii ka degay garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa, waxaana diyaaradahan ay sideen gargaar raashin ah.

Shir degdeg ah oo Garoonka diyaaradaha Hargeysa ay ku yeesheen Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, Madaxweyne kuxigeenka C/raxmaan Saylici iyo Mas’uuliyiin kale ayaa lagu go’aamiyay in diyaaradaha sida gargaarka ay tagaan deegaanada ay dufaanta ku dhufatay, si ay u gaarsiiyaan gargaarka ay sido.

Madaxweyne kuxigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici ayaa horay u sii raacay diyaaradahan oo ku sii jeeda deegaanada galbeedka Somaliland oo ah meelaha ugu badan ee ay dufaantu saameysay.

Duufaanta ku dhufatay Galbeedka Somaliland ayaa waxay sababtay khasaarooyin isugu jira naf iyo maal, waxaa ay saameysay in ka badan boqol kun oo qoys.

Imaaraadka Carabta ayaa xilligan galaan gal badan ku leh arrimaha Somaliland, kaddib markii uu heshiis kula galay Saldhig Milateri uu ka sameysto garoonka diyaaradaha Berbera, iyadoo shirkadda DP World ee fadhigeedu yahay Dubai ay la wareegtay Dekeda Berbera.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s