R/WXasan Cali Kheyre iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta oo jimco ah u dhoofay magaalada Adis Ababa iyo Fahad yasiin oo ka sii horeeyey

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta oo jimco ah u dhoofay magaalada Adis Ababa ee Caasimada dalka Itoobiya.

Safarka Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya ku aaday dalka Itoobiya waxaa ku wehliya xubno katirsan golaha Wasiirada, waxaana la filayaa R/Wasaaraha iyo xubnaha la socda in kulamo la qaataan Madaxda dowlada.

Magaalada Adis Ababa waxaa maalmo kahor safar qarsoodi ah ku tagay agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya Fahad Yaasiin ,Wasiirka Arimaha Dibada Xukuumada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad iyo xubno katirsan Xafiiska Madaxweynaha .

Sida aan wararka ku heleyno Ra’isul Wasaare Kheyre iyo wafdiga la socda ayaa madaxda Itoobiya kala hadli doona arimo muhiim ah ay kamid tahay Heshiiska Dekadda Berbera oo qeyb ka tahay Itoobiya iyo Khilaafka u dhaxeeya dowlada iyo Maamul goboleedyada.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

w

Connecting to %s