Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa dood iyo su’aal ka keenay aqoonta Guddoomiyaha cusub ee loo magacaabay Maxkamadda sare ee dalka

Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa dood iyo su’aal ka keenay aqoonta Guddoomiyaha cusub ee loo magacaabay Maxkamadda sare ee dalka, iyadoo durba ay ka dhasheen muran sharciyeed la xiriira qaabkii uu Madaxweynaha u magacaabay iyo xil ka qaadistii uu ku sameeyay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ibraahim Iidle Suleymaan.

“Waxaad arkeysaa waxyaabo aan caqliga ku siin karin, nin aan weli Maxakamad ku fariisan, in la soo boodsiiyo Maxkamaddii Qaranka ugu sareysa keen dushiisa waa jariimo weyn, haddii ay taasi dhab tahay Madaxweynaha shaqadiisa ayay halis galeysa”ayuu yiri Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo bare ka ah jaamacad ku taalla Minnesota.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in ninka la magacaabay Baashe Yuusuf Axmed ay ilmo habreed yihiin Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Mahdi Guuleed, taasoo uu xusay inay shaki badan abuureyso.

“Haddii ay dhab tahay, ninkaan la magacaabay inay habro wadaago yihiin Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ninka wadanka ka ah, taas shaki badan ayay abuureysa iyo inay kudlado abuurmeyso, waa in Baarlamaanka inuu madax banaanaado iyo Garsoorkana madax banaanaado, dowladduna shaqadeeda qabsato”ayuu yiri Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ibraahim Iidle Suleymaan ayaa ku gacan seyray xil ka qaadistii lagu sameeyay, isagoo sheegay inay tahay mid baal marsan sharciga.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ayaa ka soo horjeestay magacaabidii iyo xil ka qaadista Guddoomiyaha Maxkamadda sare, waxaana tani u muuqataa in dalka ay gelineyso xaalad hor leh oo siyaasadeed.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s