Madaxweyne Kuxigeenka Puntland Cabdixakim oo Buuhodle ku Wajahan Ciidamo Buuhoodle Lagu Diyaariyey

Wararkii ugu dambeeyey ee aanu ka helayno magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn ayaa sheegaya in halkaasi siweyn looga dareemayo diyaar garaw xoogan oo loogu jiro soodhoweynta madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey.

Eng Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey oo xalay ka kicitimay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa waxa uu socdaal ku mari doonaa deegaamo katirsan gobolada Mudug iyo Cayn isagoona ugu dambayn tegi doona Buuhoodle.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa waxa uu kulamo la qaadan doonaa odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada kunool magaalada Buuhoodle iyo saraakiisha kala duwan ee hogaaminaysa ciidamada Daraawiishta .

Xogaha ay Widh Widh Online  ka helayso socdaalka madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa waxa ay sheegaysaa in marka laga yimaado kormeerka mashaariicda da Puntland ee Buuhoodle, uu bulshada kala hadli doono difaaca Puntland.

Shacabka magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn ayaa dhowaan sameeyey banaan baxyo xoogan oo ay kaga soo horjeedaan daandaansiga maamulka Soomaaliland islamarkaana ay ku taageerayeen ciidanka difaaca

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

w

Connecting to %s