Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamad Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baydhabo, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamad Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baydhabo, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Sidoo kale Madaxda maamul goboleedyada Jubbaland, Puntland, Koofur Galbeed iyo Hir-Shabeelle ayaa gaaray magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa loo galbiyay xarunta Madaxtooyada Baydhabo, halkaasi oo la filayo inuu ka furmo shirka Golaha Amniga Qaranka.

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo ciidamada Itoobiya ee ka tirsan AMISOM iyo kuwa Maamulka Koofur Galbeed ay ka qeyb qaadanayaan howl galada lagu sugayo ammaanka magaalada Baydhabo.

Shirka Amniga Qaranka oo lagu waday inuu maanta furmo ayaa la sheegayaa in uu dib u dhacay, sababo ku aadan in aanay Madaxda waqti hore gaarin magaalada Baydhabo, shirka ayaa socon doona muddo labo maalmood, waxaana lagu wadaa in uu si rasmi ah u furmo maalinta berri ah

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

w

Connecting to %s