Waxaa maanta Magaalada Baydhabo ee xarunta maamul goboleedka Koonfur Galbeed ka furmaya shirka Golaha Amniga Qaranka

Waxaa maanta Magaalada Baydhabo ee xarunta maamul goboleedka Koonfur Galbeed ka furmaya shirka Golaha Amniga Qaranka oo ay ku mideysan yihiin madaxda dowladda Soomaaliya iyo madaxweynayaasha maamul Goboleedyada.

Shirkan ayaa marar badan dib u dhacay, waxaana qabsoomidiisa uu ku soo beegmay iyadoo xiriirka dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada uu marayo heerkii ugu xumaa, taasoo ka dhalatay khilaafka dalalka Khaliijka oo saameyn weyn ku yeeshay arrimaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo iyo R/wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa ka qeyb galaya shirka iyadoo ay ku idil yihiin dhammaan madaxweynayaasha maamul goboleedyada shanta ah.

Kullankan ka furmaya magaalada Baydhabo ayaa waxaa la sheegay in looga hadlayo qodobo ay ugu muhiimsan yihiin:

1- Amniga, ciidamada iyo qorshaha dhismaha ciidamada Qaran
2- Arrimaha dhaqaalaha iyo awood qeybsiga kheyraadka dalka [Kalluumeysiga]
3- Doorashada 2020 iyo qaabka lagu gaari karo
4- Dib u eegista Dastuurka
5- Dhaqan gelinta heshiisyadii hore loo gaaray ee socon waayay.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

w

Connecting to %s