Wariye madax banaan oo jooga Degmadda Dhahar ee xarunta Gobolka Haylaan ayaa u xaqiijiyay Warbaahinta PUNTLAND POST inay maanta halkaas soo gaareen tiradda ilaa 5 qoys oo uu sheegay inay kasoo guureen magaalooyinka Burco iyo Hargeysa.

Guddiga Difaaca Puntland oo maanta Garoowe kula hadlay saxaafadda ayaa uga digey shacabku inay isticmaalaan garoomadda diyaaradaha Somaliland maamusho iyo 824 Ardey oo ay sheegeen inay jaamacaddo ka dhigtaan magaalooyinka Boorame iyo Hargeysa inay si deg deg ah uga soo baxaan goobahaas, ka dib jawaab ay ka bixiyeen guddigu hadal maalmo ka hor kasoo yeerey Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe.

Wariye madax banaan oo jooga Degmadda Dhahar ee xarunta Gobolka Haylaan ayaa u xaqiijiyay Warbaahinta PUNTLAND POST inay maanta halkaas soo gaareen tiradda ilaa 5 qoys oo uu sheegay inay kasoo guureen magaalooyinka Burco iyo Hargeysa.

Sidoo kale waxaa jira hadalo hanjabaad ah oo ay isdhaafsanayaan in badan oo ka mid ah bulshada labada dhinac iyo taakulo ay la garab taagan yihiin ciidamada weli isku horfadhiya deegaanka Tuko-raq oo dagaaladii ka dhacay ay ku dhinteen tiro ka badan 60 askari oo ka kala tirsan labada dhinac.
Colaadda Puntland iyo Somaliland ayaa iminka u muuqaal ekaatay mid saameysay isdhexgalka dadka sida arrimaha ganacsiga,waxbarashada iyo deegaanka, ka hor inta la gaarayo xal loo helo xiisada colaadeed ee ka dhexjirta maamulladda dariska ee Puntland iyo Somaliland.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s