Wasaaradda Difaaca ee Mareykanka ayaa shaacisay sawirka iyo magaca askarigii Mareykanka ahaa ee lagu dilay jimcihii la soo dhaafay duleedka magaalada Kismaayo,

Wasaaradda Difaaca ee Mareykanka ayaa shaacisay sawirka iyo magaca askarigii Mareykanka ahaa ee lagu dilay jimcihii la soo dhaafay duleedka magaalada Kismaayo, gaar ahaan deegaanka Sanguuni ee Gobolka Jubadda Hoose.

Askariga la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Alexander W. Conrad oo 26 jir ah,waxaa uu ku dhashay Arizone, waxaana uu ka tirsanaa cutubka 1aad, gaar ahaan kooxda 3aad ee ciidanka sida gaarka u tababaran.

Mareykanka ayaa waxaa ka jooga Soomaaliya boqolaal askari oo ka qeyb qaata howl galada gaarka iyo taageerida Ciidamada dowladda iyo AMISOM ee dagaalka kula jira Xarakada Al-Shabaab.

Jimcihii la soo dhaafay ayay aheyd markii weerar duqeyn oo Al-Shabaab ku qaaday deegaanka Baar Sanguuni lagu dilay askariga Mareykanka, halka lagu dhaawacay afar kale, sidoo kale ciidamo ka tirsan kuwa dowladda iyo Kenya ayaa khasaare ka soo gaaray weerarkaas.

Waa askarigii labaad oo Mareykanka lagu dilo Soomaaliya, iyadoo bishii May ee sanadkii hore deegaan ka tirsan Shabeellaha Hoose lagu dilay askari Mareykan ah, sanadkii 1993 ayay aheyd markii 18 askari Mareykan ah lagu dilay Muqdisho, lagana soo riday diyaarad Helicopter ah, kaddib dagaal ay la galeen maleeshiyaad Soomaali ah, waxaana dagaalkaas laga sameeyay filimkii caan baxay ee Black Hawk Down.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

w

Connecting to %s