Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa saaka subax nimadii  15 June 2018 La tukaday salaadii ciidul fidriga shacabka ku dhaqan caasimada Puntland ee Magaalada Garoowe

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa saaka subax nimadii  15 June 2018 La tukaday salaadii ciidul fidriga shacabka ku dhaqan caasimada Puntland ee Magaalada Garoowe.

Salaada Ciida oo Lagu tukadey garoonka kubada cagta Mire Awaare ayaa waxaa Madaxweynaha Putland kala qayb galay Madaxweyne kuxigeenka Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey, Gudomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane. Axmed Cali Xaashi iyo kuxigeenadiisa, masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland, saraakiisha ciidamada Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, isimo,  cuqaal, nabadoono, waxgarad, siyaasiyiin, aqoon yahano, Culumo iyo shacab weynaha Casimada Puntland.

Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland ayaa ugu horayn hanbalyo u diray ummada Soomaaliyeed iyo shacabka reer Puntland meelkastay joogaan munaasibada ciidul fidriga darteed, waxaana uu sheegay in Puntland ka jirto nabad gelyo sugan oo boqlkiiba boqol laysku halayn karo.

Ugu Danbeyn Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamede Cali Gaas ayaa Alle uga baryey Shacbka reer Puntland in ay sanadkan sanadkiisa ay ku gaaraan rajo wadajir, midnimo iyo amni waara.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s