Qaramada Midoobay iyo urur goboleedka IGAD ayaan weli guul la taaban karo ka gaadhin joojinta dagaal dambe oo ka dhex qarxa dawladda Somaliland iyo maamul goboleedka Puntland.

-Qaramada Midoobay iyo urur goboleedka IGAD ayaan weli guul la taaban karo ka gaadhin joojinta dagaal dambe oo ka dhex qarxa dawladda Somaliland iyo maamul goboleedka Puntland.

Sida ay Geeska Afrika u sheegeen ilo xogogaal ahi, madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa ergayga Qaramada Midoobay danjire Michael Keating u sheegay in Somaliland ka baxdo Tukaraq haddii la doonayo in la bilaabo wada hadal nabadeed, islamarkaana ay ciidamada qaranka Somaliland dib ugu laabtaan fadhiisinkoodii ay joogeen bishii January ee sannadkan.

Wargeyska Indian Ocean ayaa cadadkiisii u dambeeyay ee shalay baahiyay in Cabdiweli Gaas uu ergayga Qaramada Midoobay iyo dalalka IGAD ee gobalka ku qanciyay in dawladda Somaliland tahay cidda gardarada wada, waxaanu wargeysku sheegay in Puntland ay ka dheeraysay diblomaasiyadda wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire.

Ergayga Qaramada Midoobay ayaa dhawaan isu maray dalalka gobalka ee IGAD si uu ugala hadlo sida loo joojin karo dagaal dambe oo ka dhex qarxa labada dhinac, laakiin waxa dedaaladiisa caqabad ku noqday madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas.

Dalalka gobalka iyo Qaramada Midoobay ayaa doonaya in marka hore dagaalada lagu joojiyo bilaa shuruud islamarkaana la isu celiyo maxaabiista dagaal ee lagu qabtay dagaaladii Tukoraq, kuwaas oo u badan maxaabiis ay Somaliland ka qabatay maleeshiyaadka Puntland.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s