Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Kolonyo uu la socday ayaa saacado lagu xayiray mid ka mid ah irdaha laga galo Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Kolonyo uu la socday ayaa saacado lagu xayiray mid ka mid ah irdaha laga galo Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, halkaasoo ay is hortaag ku sameeyeen Ciidamada AMISOM.

Wararka ayaa sheegaya in Guddoomiyaha uu saaka barqadii ka dhoofi lahaa garoonka diyaaradaha Muqdisho, isagoo ku sii jeeday magaalada Nairobi, hase ahaatee Kolonyadiisa oo ay qeyb ka ahaayeen Xildhibaano sagootinayay ayaa lagu hakiyay dhanka Marina Gate.

Ciidamada AMISOM ayaa sheegay in aanay ogolaansho u heysan in Kolonyada Guddoomiyaha Aqalka sare oo ay wehliyeen Ilaaladiisa ay gudaha u galaan Garoonka, waxaana taasi keentay is maandhaaf iyo muran dhex maray labada dhinac.

Is maandhaafka ka dhashay xayiraada Guddoomiyaha ayaa waxaa soo farageliyay Taliska Booliska iyo Mas’uuliyiin, waxaana markii dambe la fasaxay gaadiidkii uu saarnaa Guddoomiyaha kaliya, halka kuwa kalena la celiyay.

AMISOM ayaa la sheegay inay ku andacootay inay ogolaansho u heysataan kaliya Kolonyada Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka inay geli karaan garoonka, iyagoo aan la baarin, maadaama amnigooda ay qeyb ka yihiin Ciidamo AMISOM.

Aqalka Sare ayaa kulan degdeg ah oo arrinta xayiraada Guddoomiyaha uu ka yeeshay waxay ku cambaareeyeen falkaas tacadiga ah, waxaana ay ka dalbadeen AMISOM inay jawaab degdeg ah ka bixiyaan.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s