Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar duhurnimadii hore ee maanta lagu qaaday xarunta otto otto oo ah xarun ay dagan yihiin wasaaradaha arimaha gudaha iyo amniga dowlada federaalka Soomaaliya

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar duhurnimadii hore ee maanta lagu qaaday xarunta otto otto oo ah xarun ay dagan yihiin wasaaradaha arimaha gudaha iyo amniga dowlada federaalka Soomaaliya.

War kasoo baxay wasaarada warfaafinta ayaa lagu sheegay in lasoo afjaray weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen xarunta otto otto ee ay dagan yihin Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga dowladda federaalka Soomaaliya.

Raggii weeraray xarunta ayay dowlada Soomaaliya sheegtay in la toogtay,waxaana tirada raggan la toogtay ay laamaha amaanku sheegeen in ay gaarayeen 3 ruux.

Wasaaradda Warfaafinta oo warkan soo saartay ayaa waxa ay sheegtay in xarunta hadda ay gacanta ku hayaan Ciidamada Ammaanka ee dowlada federaalka Soomaaliya.

Khasaaraha ka dhashay weerarkan ayaan ilaa iminka si rasmi ah loo ogeyn balse waxaa hubanti ah in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac sida ay sheegayaan laamaha gurmadka deg dega ah,waxaana mid kamid ah laamaha gurmadka deg dega ah oo aan la hadlanay uu noo sheegay in xarumaha caafimaadka ay geeyeen 17-qof oo qaba dhaawacyo kala duwan, kuwaasoo ay waxyeelo kasoo gaartay weerarka.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s