Digreeto ka soo baxday Xafiiska R/W Kheyre ayaa xilka looga qaaday wasiirkii Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha diinta ee Soomaaliya Xildhibaan Xasan Macallim Xuseen.iyo arimihii xajka oo lugta la gallay

Digreeto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa xilka looga qaaday wasiirkii Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha diinta Dowladda Soomaaliya Xildhibaan Xasan Macallim Xuseen.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa akhriyay  digreetada xilka looga qaaday Wasiirkii Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya Xasan Macallim Xuseen,wuxuuna sheegay in xilkaasi si KMG ah loogu dhiibay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya C/xakiim Xasan Ibraahim Ashkir.

” Digreeto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre maanta oo taariikhdu ay tahay 9-ka bisha Luulyo sanadka 2018-ka,waxaa xilkii Wasiirnimada looga qaaday Wasiirkii hore ee Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xildhibaan Xasan Macallim Xuseen,waxaa xilkaasi kusime ka ahaan doona Wasiiru Dowlaha isla Wasaaraddaasi C/xakiim Xasan Ibraahim Ashkir waana Mahadsan tihiin,” ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta oo warbaahinta Dowladda ka Akhriyay digreetada Xilka ka qaadista.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

w

Connecting to %s