Maamulka Jubbaland Jen. Cali Bogmadow.ayaa saaka garoonka diyaaradaha Kismaayo ka soo celiyay Wafdi Saraakiil ciidan ahaa oo ka yimid magaalada Muqdisho, kaasoo uu hoggaaminayay Taliyaha cusub ee qeybta 43aad ee ciidanka xoogga dalka 

Maamulka Jubbaland Jen. Cali Bogmadow.ayaa saaka garoonka diyaaradaha Kismaayo ka soo celiyay Wafdi Saraakiil ciidan ahaa oo ka yimid magaalada Muqdisho, kaasoo uu hoggaaminayay Taliyaha cusub ee qeybta 43aad ee ciidanka xoogga dalka

 

Saraakiisha Amniga ee Maamulka Jubbaland ayaa is hor-taagay wafdigan inay gudaha u soo galaan magaalada Kismaayo, kuna amray inay dib ugu laabtaan magaalada Muqdisho oo ay markii hore ka soo kicitimeen.

Maamulka Jubbaland ayaa ka soo horjeestay magacaabida Taliyaha cusub ee qeybta 43aad ciidanka xoogga dalka, isla markaana aysan waafaqsaneyn heshiiskii Qaab dhismeedka Amniga ee bishii May sanadkii hore lagu gaaray Kismaayo.

Qodobka 20aad ee heshiiska qaab dhismeedka Amniga ayaa dhigaya hanaanka loo marayo hannaanka magacaabida Saraakiisha ciidamada ee dowlad goboleedyada in marka hore lagala tashto Madaxweynaha maamul goboleedka.

Dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland ayaa dhowrkii bilood ee u dambeeyay isku hayay maamulka taliska ciidamada xoogga dalka qeybta 43aad ee ciidanka xoogga dalka ee gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

Ma ahan markii u horeysay oo Maamulka Jubbaland ay ka celiso garoonka Kismaayo mas’uuliyiin iyo saraakiil ka socota dowladda Federaalka, iyadoo horay Kismaayo laga soo celiyay Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga iyo Abaanduulihii ciidamada xoogga dalka.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

w

Connecting to %s