Ergayga Qaramada Midoobey u fadhiya Soomaaliya Michael Keating ayaa xarunta Puntland ee Garoowe shir kula qaatey qaar kamid ah Isimada Puntland

Ergayga Qaramada Midoobey u fadhiya Soomaaliya Michael Keating ayaa xarunta Puntland ee Garoowe shir kula qaatey qaar kamid ah Isimada Puntland. Keating ayaa Isimada iyo odoyaasha dhaqanka kala hadley sidii xal loo demin lahaa colaada u dhexeysa Puntland iyo Somaliland.

Isimada ayaa Keating la wadaagey khibradda iyo waayo-aragnimada ay u leeyihiin arrimahan oo kale iyo sidii la isaga kaashaan lahaa nabadda Soomaaliya.

Xafiiska Qaramada Midoobey ayaa hadda gar-waaqsadey in khilaafka Puntland iyo Somaliland uu lugaha la galay mid beeleed, maadaama beelaha degan Puntland aysan sinaba u oggoleyn in beel kale ku soo dusho mid ay isir iyo wada dhalashoba wadaagaan.

Keating ayaa kulanla qaatey isla maanta Madaxweynaha Puntland, waxaana ay ka wada hadleen sidii loo demin lahaa colaada Tukaraq, sidoo kale waxa uu la kulmayaa ururada haweenka.

Isimada ka qaybgalay shirkan waxaa kamid ahaa Islaan Ciise Islaan Maxamed, Garaad Saleebaan Garaad Maxamed, Suldaan Siciid Maxamed Garaase, iyo qaar kale oo kamid ah isimada gobolka Sool.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s