Golaha Wasiirada oo magacaabay Saddex Safiiro oo u horkeennay Wasiir Cawe

Warar goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya Shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya lagu magacaabay saddex Safiir oo Soomaaliya u fadhi doono caalamka, iyadoo aan la sheegin dalalka loo magacaabay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa soo jeediyay magacaabida saddex Safiir, iyadoo Golaha Wasiirada ay meel mariyeen.

Safiirada la magacaabay ayaa waxaa ka mid ah Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Tarsan oo ka mid ahaa La Taliyeyaasha Madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale waxaa Safiir loo magacaabay C/risaaq Shoole oo ahaa Agaasime kuxigeenka Madaxtooyada iyo dadka aadka ugu dhow Madaxweyne Farmaajo.

Waxaa kaloo Safiir loo magacaabay C/llaahi Maxamed Odawaa.

Safiirada ay ansixiyeen Golaha Wasiirada ayaa ku soo bixi doona wareegto Madaxweyne oo loogu magacaabi doono dalalka ay Safiiro ka noqonayaan.

Illaa 10 safaaradood ayaa laheyn wax safiiro ah muddo sanad ah, iyadoo safiiradii xilalkaas hayay qaarkood xilal Wasiiro loo magacaabay, halka qaar muddo Safiir soo ahaa xilka laga

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s