Wasiirkii Wasaradda Waxbarashada Dowladda Somalia oo Xilkii lagga qaday….

Wareegto kasoo baxday xafiiska raisal wasaaraha soomaaliya xasan cali khayre ayaa maanta oo taariikhdu tahay 26 june 2018 waxaa  xilkii loo qaaday wasiirkii wasaaarada waxbarashada soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan waxaana si kumeel gaar ah xilkaas u sii hayn doona wasiiru dawlaha wasaaradaas Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdule Jaabir.

Xilka ka qaadista wasiirka ayaa loo sababaynayaa xili uu dhawaan sheegay in aysan wasaaradiisu aqoonsanayn dhamaan jaamacada ku yaala dalka oo ay ka mid tahay jaamacada ummada soomaaliyeed, hadalka wasiirka ayaa aad loogu hadal hayay baraha bulshada iyo warbaahinta soomaalida.

Wasiirka xilka laga qaaday ayaan weli ka hadal sababta xilka ka qaadistiisa keentay iyo in lagu soo wargeliyay, Raisal wasaare Xasan Cali Khayre ayaa horay xilalka uga qaaday xubno ka tirsan golihiisa wasiirada iyagoo sheegay in aan lagu wargelin balse ay ka maqleen xilka qaaadistooda warbaahinta.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s