Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa Xalay Madaxtooyadda kula kulmay Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa Xalay Madaxtooyadda kula kulmay Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe oo todobaadkan kula khaas ah kula soo qaatay Magaalada Bresales ee dalka Beljenka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilahi Farmaajo.

Warar lagu kalsoon yahay oo Warbaahintu ka heshay ilo ka ag dhow Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid, ayaa sheegay in kulankaas dhexmaray Muuse Biixi iyo Faysal Cali Waraabe ahaa mid albaabadu u xidhan yahay, isla markaana waxay labada masuul iska laab-xaadheen qardoofadii todobaadkan dhexmartay, iyadoo intaa ay xogguhuu Ku dareen in Muuse Biixi raaligelin siiyey Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe, kasoo ka raaligeliyey weedhihii uu todobaadkii hore Muuse Biixi hawada u mariyey Faysal, kuwasoo uu Ku sheegay inaanay waxba kala socon safarkiisi uu kula soo kulmay Madaxweynaha Somalia Farmaajo.

Hadalkaas oo sida la sheegay Muuse Biixi Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ugu micneeyey inuu uga Dan lahaa inuu dadka Ku dejinaayey.

Sidoo kale Muuse Biixi waxa uu Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal ka dalbaday inuu halkii kasii wado wadashaqayntii maamulkiisa iyo isagga, isla markaana uu kala shaqeeyo sidii doorashada Baarlaanka iyo golayaasha deegaanka loo qaban lahaa.

Dhimaca kale, Faysal Cali Waraabe ayaa isna aqbalay raligelinta Muuse Biixi usoo jeediyey, isla markaana waxa uu sheegay inuu laban-laabi doono wada shaqayntii Xukuumada Muuse Biixi

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s